“Dhacdo Ugub Ah Oo Musuq Maasuq Tii Ugu Cuslayd Oo Ka Dhex Qaraxday Wasaaradda Maaliyadda Somaliland”.

“Dhacdo Ugub Ah Oo Musuq Maasuq Tii Ugu Cuslayd Oo Ka Dhex Qaraxday Wasaaradda Maaliyadda Somaliland”.

Berbera Fadeexad musuq Maasuq tii ugu cuslayd ayaa ka qaraxday Kastamka Cashuuraha ee Wasaaradda maaliyadda ee Dekedda Berbera waxaanay arintaasi xalay illaa habeen hore mashquul galisay masuuliyiinta ugu sareeya ee Wasaaradda Maaliyadda oo ka fiirsanaya baadhis iyo talaabaddii ay ka qaadan lahaayeen.

Wararka Shabakadda Caroog helayso ayaa sheegaya in gaadhi waaraad ah oo si toos ah uga soo baxay Dekeda Berbera lagu qabtay Kaantaroolka Magaaladda Dacar budhuq, gaadhigaasi oo siday shixnad Mobile ah balse lagu soo cabeeyay Jawaano, islamarkaana dekeda lagaga soo cashuuray ‘SONKOR”, sidaan juwanada uu gaadhigaasi sitay loogu soo cashuuray nay yihiin Mobaylo, waxaanay arintaasi keentay in gaadhigii dib loogu celiyo Maamulka Maaliyadda Berbera.

Gaadhigan ayaa loo malaynayaa inay si wada jir ah uga wadda shaqeeyeen masuuliyiinta Kastamka ugu sareeya iyo Ganacsadaha Alaabtu u rarnayd, waxaana baadhis xoog leh lagu hayaa hanaankii iyo qaabkii rarkaasi uga soo baxay Dekeda iyo sida ay ugu suurtawday in Mobile loogu cashuuro Sonkor,  iyo sida ku soo dhaafay intaasi oo kaantarool oo Berbera iyo Dacarbudhuq u dhexeeya.

Dhinaca kale, arintan ayaa gaadhay Xafiiska Wasiirka waxaana saacadihii lasoo dhaafay ay kulamo arintani lagaga arinsanayo yeelanayay Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda, islamarkaana ka fiirsanaya talaabadii ay ka qaadan lahaayeen arintani iyadoo badhis islamarkiiba lagu bilaabay masuuliyiinta Kastamka Dekedda Berbera.

Wararkan ayaa sheegaya in Ganacsadaha uu rarkani u rarnaa ay hayb hoose yihiin Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mr Gurxan.

Xidhiidho aanu la samaynay Masuuliyiinta arintani khusayso si aanu wax uga waydiino ayaan noo suurtagalin kadib markii ay naga qaban waayeen teleefanooda gacanta.

 

Caroog Media

caroog100@gmail.com