Saf-marka oo sababay in Guryaha la isku xidho (lockdown) aya i hor keenay arrimo badan oo gaar iyo guudba Aafooyinkan dunida kaaga wareeriya ka sakow

Saf-marka oo sababay in Guryaha la isku xidho (lockdown) aya i hor keenay arrimo badan oo gaar iyo guudba
Aafooyinkan dunida kaaga wareeriya ka sakow, xaalada dhabta ah ee ka taagan Somaliland ayaa si gaar ah ii taabatay.
Ma jirto aqoon iyo xirfad gaar oo aan idinku dhaamo sidii loo wajihi lahaa xaaladahaas taagan ee wax ka qabadka u baahan.
Xaaladahaas taagan oo qaarkood soo noqnoqdeen waxaa ka mid ah:
1- Suldan Wabar iyo tabayooshinka Salaal iyo Awdal oo dagamsan. Isla markaana arinkii Ceel bardaale yahay dhuxul aasan.
2- Gobolo beenaad ku salaysan reero oo culayskooda leh: Lagu bixin shuruudihii ay gobol kunoqon lahaayeen
3. Wakiilada iyo guurtida oo magac u yaal.
4- Hantidii Guud a maguuraanka ahayd oo maamuladii kala danbeeyey ku tagrifaleen.
5- dhulka (Magaalooyin) oo qorshayntooda iyo qaybintooda ayna nidaam kufadhiyin oo iska xaalad boob ah.
6- Xisilooni darida degaanada Bariga iyo tabashooyinka ka jira oo aan si daacad ah hoos loogu dhaadhicin xeeladina ku jirto.
7- Biyo la’aanta Casiamda Hargeysa iyo guud ahaan Dalka oo aan hagrasho iyo hadimo la’ayn.
8- Husbitaalada guud ee wadanka oo gabi ahaanba ka qaawan tayaynta iyo adeega hufan oo u dhintay xarumaha gaarka loo leeyahay.
9- shaqo la’aan baahsan oo gabi ahaanba ku habsatay, xoogii wadankeena, taas oo keenatay in malinba raxani wadanka ka baxado
10- Sixir barar xadhiga goostay iyo Xukuumada oo ku.guul darsatay xakamayintii iyo hagistii dhaqalah

11. Cadalada iyo Garsoorka dalka oo aanlagu qanacsanayn
12. Waxaan hubaa in waxyaalo ka oo badamina idiin muuqmuuqdan.
Waxaan kaga baxayaa Xukuumada Kulmiye bal dalka guud ahaan hoos haw eegto mudda mudada u hadhay.
Is man baanin wacan: Waysada ha la badsado hana lays feeraariyo.
Gabagabo: inkasta oo ay jirto cabashu iyo dhibaatooyin fara badan. Waxaan ku talin lahaa waqti adag ayuun ku jiranaa ee wa in Xukumadda iyo Gudida ka kor taga Aafooyinka iyo Saf-marka covid19 la is garb taago dhincna looga so wada jeesto, Danta Guud First
Anigu waxa ii ah hal-qabsi:
“Danta Guud ka hor mari Danta gaarka ah, Dantu wa taas”

Tusan wa bilaahi Tawfiiq
Mohamed Yusuf Diirqadhaadh