Shirkadda GTS iyo Xukuumadda Somaliland oo si wada-jir ah u daah-furay Nidaam Casri ah oo lagu Diiwaangelinayo Mihnadleyaasha Caafimaadka

 

Hargeysa (SalaanMedia)- Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, ayaa maanta daah-furtay nidaam casri ah oo si fudud loogu diiwaangelinayo mihnadleyaasha caafimaadka ee ku sugan gobollada iyo degmooyinka dalka, kuwaas oo si mutadawacnimo ah uga qayb-qaadan doona ka hor-tagga iyo u diyaargarowga xanuunka COVID-19-ka.

 

 

Nidaamka Casriga ah oo ay iska kaashadeen Wasaaradda iyo shirkadda GTS, ayaa lagu daah-furay munaasibad uu goob-joog ka ahaa madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, waxaanu habkan casriga ahi sahlayaa in qof kasta oo mihnad caafimaad lihi uu si fudud isu diiwaangelinayo isaga oo gurigiisa ama goobtiisa shaqada joogo.

 

 

Halkan Iska Diiwaangeli haddii aad tahay Mihnadle Caafimaad

 

http://medsomaliland.com

 

Salaanmedia/Hargeysa