Su’aasha Gobollada Bariga Somaliland – Maxaa Xal ah oo ay Hargeysa Haysaa?

Su’aasha Gobollada Bariga Somaliland – Maxaa Xal ah oo ay Hargeysa Haysaa?

 

Bishii Ogost 2019, ayaa taliyaha ciidamada Somaliland (SL) – Nuux Taani – ku baaqay in xubnaha ka tirsan ciidamada ee ka soo jeeda beelaha qaarkood, fadhiyana deegaanada bariga Somaliland aan loo baahnayn, ee ay iska tagaan, halkii ay rabaana aadaan. Waxa uu taliyuhu intaa ku daray in ciidamadii deegaanka Badhan fadhiyey ee maalmahaa ka goostay ciidaankiisa uu soo dhoweynayo, isagoo ku sababeeyey in aysan wax hawlgal ah samayn jirin, mushahar uun qaadan jireen. Madaxweyne Biixina, inuu casilo daayoo, ma burin erayadiisa. Aamuusku waa astaanta raalinimada.

 

Haddaba, inkastoo, dadkii dhegaystay tiraabta taliye Taani ay badankooda fejeciso ku noqotay; haddana fasiraadda waa lagu kala duwanaa. Qormadani waxay isku dayi inay biniixiso inuu ahaa hawaraar quus ah, marka ay ugu roon tahay, taas oo daaha ka rogtay runtii la dedi jirey: in Hargeysi caalwaa iyo gacan-taag ka joogto xalinta dhibka gobollada bariga (Sool, bariga Sanaag iyo Cayn/Buuhoodle – SSC).

 

Tan iyo intii lagu dhawaaqay, 29 sanno ka hor, gooni isu-taaga SL, waxay Hargeysi la daalaa dhacaysay xasilinta gobollada bariga iyo hanashada qalbiga dadka ku nool deegaanadaas. Nasiib-darro, waxa marna aan ka demin, ilaa haddana ka socda goboladaas shaqaaqooyin murugo badan sida kuwii: Kalshaale (2011-12), Dhumey (2018), Ceel-Afweyn (2016-19), Tukaraq (2018), Badhan (2020) iyo kuwo kale.

 

Shaqaaqooyinkaas dadka ehelka ah dhexmaray ee dhiigga badani ku daatay, nafo badana lagu waayey, waxa sii dheeraa jabahadihii (insurgencies) ka dilaacay sida jabhaddii Caare (2018-2020), Jabhaddii Sool, Sanaag iyo Cayn (SSC, 2010-2014), Jabhaddii Khaatumo (2011-2017) iyo tan hadda ka hawl-gasha Sool ee sidata isla magacii jabhaddii SSC.

 

Waxa intaas dheer isku dhaca joogtada u dhexmara ciidamada Puntland (PL) iyo Somaliland (SL); iyagoo isku hor-fadhiya goobo badan oo ka tirsan Sanaag, Sool iyo Cayn/Buuhoodle. Waad garan kartaa ciidamo meelo la dhoobo, khatarta iyo kharashka badan ee ku sugan.  Dhaqaalihii la gelin lahaa horumarka iyo adeegga shacabka ayaa maalin kasta lagu khasaariyaa hirdan aan jiho lahayn.

 

Waxa iyana murugo badan in reeraha degggan deegaanadaasi ay weli kala qoqoban yihiin, hubaysan yihiin, hore isugu dhaceen, imikana isku dhacayaan. Shaqaaqadii Dhumey (2018), Ilaah mahaddii, Jigjiga ayaa soo af-jartay.

 

Soddon sanno ku dhowaad, ka dib, SL weli ma gaadhin xadka ay ku taanto inay soo xidhayso; kaas oo ah yoolka (military objective) ay Hargeysa siisay taliye Taani, waana waxa hadalka quusta ka keenay. Waa yool waafaqsan fekerka siyaasadeed ee madaxda SL oo ah: ictiraafkaa sidaa ku jira.

 

Milil dushii lama dhayee bal aan dhidhka mushkilladda wax ka tibaaxno. Waxay ku aruuri in beelaha deegaanada bariga ay ku kala aragti duwan yihiin aayaha deegaanka, waxaana loo qaybin karaa: kuwo Hargeysa eegaya, kuwo Garoowe eegaya iyo kuwo Xamar eegaya.

 

Is-waafajinta aragtiyahaasi ma aha arrin sahlan, siiba sida meel loogu helayo fekerka abtirsiin raaca ah ee Garoowe. Runtiina jeexidda xariiqa xad abtirsiin ku salaysani suuragal ma aha. Ha ka didin fekerka SL ee taariikh-raaca ah, ilayn xuduudaha Afrika oodhami waa xuduudihii reer Yurub jeexeene.

 

Waxa intaas weheliya, oo caloosha ku wareejin, marka aad dhegayasto fekerka budh-tuurka (elite-ka) beelaha qaarkood oo isu arka in beelo kale (Isaaq) qabsadeen, sidaa darteed ay waajib tahay in la iska caabiyo. Taas oo macnaheedu u dhacayo kama raali aha gooni-isutaagga/goosiga SL.

 

Khaasatan, qaar ka mid ah budh-tuurka beelaha (Dhulbahante) waxay cabbiraan fekerka ah in Hargeysa rabto inay soo noolayso mustacmaraddii Ingiriiska ee ay halganka dheer la galeen qarnigii 20aad horaamihiisii. Xasuuuso in beelahani hooy u ahaayeen halgankii 20ka sanno ku qaatay Boqortooyadii Ingiriiska inay jebiso xarakadii Daraawiish ee uu hogaaminayey Sayid Maxamed Cabdille Xasan. Ilayn taariikhdu way soo noq-noqotaa!

 

Si loo xaliyo mashaqada bariga, ilaa hadda Hargeysa waxay adeegstay qaacidooyin dhawr ah sida: mushahar-siinta maleeshiyo beeleedyo, wasiir-ka-dhigidda madaxda jabhadaha, lacag u xantoobinta madax dhaqameedyada, heshiis la galkii Khaatumo, oo ilaa hadda aan la hirgelin, weeraro lagu qaado Buuhoodle iyo meelo kale. Ilaa hadda maxsuul xal waara keena lagama hayo. Gar bay noqotay in taliye Taani halaahal hadlo.

 

Haddaba, haddii Hargeysi ku guul-daraystay xoog inay ku soo xidho xadkii British Somaliland, xasilin kari weyday nabaddii goboladaas, hanan kari weyday qalbigii beelaha deegaanada bari, isku dhac joogto ah iyo muran dhuleed-na kula jirto Garoowe, ictiraaf-kiina sidaa ku fogaaday; su’aashu waa: maxaa xal ah, muddada dheer, oo ay Hargeysa haysaa? Arrinka gobollada bari xoog ku socon waaye siyaasad nabadeed ha lagu dayo.

 

Hargeysa way ku amaanan tahay in himiladeedu tahay inay ka weynaato reer (Isaaq), laakiin waxa taas hadheeyey gooni-isu-taagga/goosiga. Haddii lala yimaado maan furan (open mind), dib loo eego gooni-isu-taagga, taliye Taani hawraar toosan   buu odhan kari lahaa, yididiilaa muuqaan lahayd, qalbiga shacabka deegaanada bariga-na (SSC) waa la hanan lahaa.

 

Malahaygii dawga kale ee furani waa in xasilinta iyo nabadda gobolladaas la soo dhigo miiska wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee la isku raacsan yahay inay qabsoomaan, iyadoo laga talo-gelinayo Garoowe.

 

Xataa haddii SL ictiraaf hesho, waa bilkiye, su’aasha gobollada barigu tegi mayso, waa taagan tahay. Qaran xasilan baa shaqeeya, horumar-na keena.

 

Wa Bilahi towfiiq

Maxamuud Cabdillahi Axmed

maxamuudaxmed@live.com