Badha saabka Sanaag oo aan ilaa hada ka hadlin Jabhadii agtiisa laga sameeyay oo siixoogaysatay

Badha saabka Sanaag oo aan ilaa hada ka hadlin Jabhadii agtiisa laga sameeyay oo siixoogaysatay

Sida aynu kawada warhaynay waxaa dhowaan laga sameeyay
Gobolka Sanaag jabhad la baxday xaqdoon taas oo sheegtay inay kasoo horjeedo
Guud ahaanba qaranimada Somaliland.sida ay hadalkoodii ugu horeeyay ku cadeeyeen,
Hadaba tan iyo intii uu soo baxay dhawaaqaasi ma jirin wax war ah oo rasmi ah oo kasoo baxay xukuumada Somaliland. Marka laga reebo wasiiro aan saamayn badan lahayn oo siyaabo kala duwan oo aanay ku talo geli uga hadlay, waxaana hada ku sugan gobolka wasiiro kuwaas oo laftooda aan weli laga maqal wax war ah oo kusaabsan jabhada taasoo hada dhaaftay xili laqarin karo khatarteeduna soo kordhayso, sida aynu kala socono warbaahintana waxaa isasoo taraysa taageero weyn oo loo muujinayo jabhadaas,oo aan lala gaban.
Jabhaduu sida reer Somaliland ka aaminsan yihiin hayaraato ama haweynaatee waa qaran dumis, maalintii Caare isaga iyo afarta inan baxeen ee ciidanka ka goosteen qayladaa wilatay dawladu way isku halayn wayday ka hadalka arintaas. Wiixii aysoo
Martayna waa la ogaa.
In maanta dawladii laga waayo juuq ama wax hawl gal ah oo arintaas ku saabasan waa arin keeni karta shaki weyn,
Waxaana isweydiinta ugu weyni tahay dulucda maqaalkanina yahay ninkii Gobolka ugu sareeray ee ahaa badhasaabka
MR TIIMBARO ,
Waxa geliyay aamus naanta aan weli laga maqal wax war ah oo kusaabsan jabhadaa iyo xaaladaha adag ee gobolka.
Maaha nin loo tilmaamo hadal iyo
Inuu xilkiisa guto, waxaana lagu xasuusta siigadii uu kicin jiray
xiligii Caare, hanjabaadii ,caga juglayntii, dhiiranaantii,iyo go’aamadii adkaa ee uu qaadan jiray xiligaa .waxaanba xasuusan jiray dawladii kacaanka,
Waxaa igu maqaala ah in abti loo yahay oo qolada ay Caare hayb wadaagaan dhashay,markaa waxaan isweydiiyay hadaa tolow odaygu ma yaqaan dhibaa!!!!!!
Taas jawaabteeda dib baa laga ogaan laakiin waxaan kula talin lahaa inuu ka baxo aamuska oo uu hawshiisa qabsado sidii uu horeba u haystay waayo
Gogolku waakii dhawaaqa baxay waa kii (jabhad ) masuuliyadu waatii, majiro cudur daar aad maanta sheegi kartaa waayo taariikhdu iyadaa is qorta,
Odaygii hilib cunka ahaa ee islaanta ka hor cunay lug uu kar saday oo sariibada ka iibsaday
Tii hadhayna ay soo iibsatay si ay ugu kariso,
Markay soo hordhigtay ayuu yidhi oo maanta ma hilibaad karisay
Inatay qososhay bay tidhi waa lugta lug teedii ee iska cun!!!!
Markaa maanta maa lintii Caare oo kale.

Allaa mahad leh

Iman Maxamed Ciise
Hargeysa, Somaliland