“Boorama haddii laba Inan aroos isku dilaan waxa lanoogu hanjabaa mashaaricdaa laydinka jarayaa” – Maxamed Aadan Suldaan

Boorama (SalaanMedia)- Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ee gobolka Awdal, Maxamed Aadan Suldaan oo warbaahinta ugu warramay magaalada Boorama, ayaa xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ku eedeeyey inay culays dheeraad ah ku hayso magaalada Boorama.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo u warramay qaybo warbaahinta ka mid ah dhowaan, waxa uu sheegay in Xukuumaddu ay xasiloonida iyo ammaanka magaalada Boorama ku xidho fulinta mashruuca biyaha ee magaalada oo uu ku tilmaamay inuu yahay mashruuca kaliya ee muuqda ka gobolkaas ka socda.