QAYBTII LABAAD CADEYMO LA XIRIIRA LAHAANSHAHA GURYAHA BAARIYOW

QAYBTII LABAAD CADEYMO LA XIRIIRA LAHAANSHAHA GURYAHA BAARIYOW

Cabduqaadir Baariyow oo leh Milkiyada Hotelada Baariyow One iyo Baariyow Two wuxuu halkaan idiin ku soo Gudbinayaa Cadeymo la Xiriira Hoteladaas iyo sida loogu Wareejiyey Shaqsiyaadka maanta Xooga ku haysta labadaas Hotel

Labadaas Hotel waxay Markii Hore ahaayeen Damaanad waxaana heshiisku ahaa in marka lacagta Damaanada la helo dib loogu soo celiyo Cabduqaadir Baariyow Hoteladiisa

Waxaana Dhacdey in Dukumentiyada Saxda ee Labadaas Hotel in lagu Wareejiyey Maryan Macalin hase yeeshee waxaa la yaab leh in Markii Maryan looga yeerey Xeer Ilaalinta loona sheegey in ay keento Dukumentigaas balse aysan keenin taas Badelkeedana ay keentey Dukumentiyo beer abuur ah oo ay Nairobi ku soo sameysatey

Waxaa halkaan ka Daawan doontaan Yuusuf Kulmiye oo ka mid ahaa Marqaatiyaashii Guryahaas waxaa uu Xeer Ilaalinta ka Hor caddeeyey In labadaas Hotel uu leeyahay Cabduqaadir Baariyow si Damaanad ah loogu Wareejiyey lacagta gaareysa 250 Kun oo doolar isagoo beeniyey Yuusuf Kulmiye Lacagta ay sheegtey Maryan Macalin oo ahayd 600 oo kun oo Doolar

Dhinaca kale waxaa halkaan idiin ku soo gudbineynaa qoraal uu u qorey Maxkamada Eng Xasanow maadaama uu ka mid uu ahaa dadkii sida damaanada ah loogu wareejiyey Hotelka Baariyow One waxaa uu Maxkamada ku Dacweeyey Maryan Macalin oo uu leeyahay in looga qaado Lacagta uu ku leeyahay Maryan maadaama ay iyada keligeed isku koobtey Hotel Baariyow One ayna u sameysatey Dukumenti been abuur

WIXII FAAHFAAHIN HALKAAN KA DAAWO