SHAN QODOB OO AAN SOMALIYA LOOLA HADLI KARIN

 

Waa qormadii Labaad ee dhamaystirka shantii qodob
Hore ayaan usoo gudbiyay 2qodob haatan waxaan isku dayayaa inaan dhamays tiro

Q 3AAD
Somaaliya waxaa kusoo fool leh doorasho waayo waxaa dhamaanaya waqtigii la doortay
Madaxweynaha hada jooga,
Sideedabana waa doorashada keliya ee ay ku xisaab tamaan waayo mahayaan wax kaleba,
Maadaama oo ay gelayaan doorasho aan la hubin weliba
Caqabahada jira dartood maaha
In lagala hadlo arimaha aynu isku hayno waayo waxay iyagu u arkaan arin ufiican olalaha ay ku doonayaan inay dib ugu soo laabtaan kuraasta
diyaaradaha uun lagu raaco laguna booqdo wadamo kale, mar haday sidaas tahay mahaboona in umad dhan mustqbalkeeda lagu galo olole siyaasadeed,

Q 4AAD
Lama hayo dawlad salbadhaan oo Soomaliya ka jirta ,waxaana ka socda dagaalo udhexeeya qolada xamar fadhida iyo dawlad goboleedada, waxaana ka jira
Dawlad hoosaadyo badan oo
Iyaba kasoo hor jeeda dawlad ku sheegta hada joogta, kuwaas oo
sugaya inay dhacdo dawladan bilawday kala daadinta Soomaaliya. Waxayna u arkaan
Inay ku fashilantay in ay dalka ka xorayso alshabaab,
Taas bedelkeedana ay weeraro galaa bixisay maamulada ay u aragto inaanay u hogaansamin amarkooda,
Marhadii wixii ay sheeganayeen inay xukumaan aanay jirin oo weliba dagaal ka dhaxeeyo,
maxay tahay sababta Somaliland ay baahida weyn ugu qabto lahadalka meel aan waxba oolin ,maxayse tahay waxa aynu ka filan karnaa aan ahayn inaynu kamid noqono dawlad goboleedadaas.

Q.5AAD
Soomaaliya xiligan ma jirto go’aan ay gacanta ku hayso keligeed
Waana goob ay ku hirdamayaan
Quwado shisheeye oo ku tartamaya gacan ku haynta hogaamiyaasha si ay uga fushadaan danahooda iyo saxeeyada ay uga baahan yihiin.
Waxaana laga xukumaa xarunta
Xalane oo saldhig u ah quwadahaas kala danaha iyo kala siyaasada ah, waxayna saamayn weyn ku leeyihiih go’aan kasta oo
Ay qaadato Somaaliya,sidoo kale
Waxay keenaan dedlaana madaxda aan ku habonayn
qaadashada amarada ay faraan .
Sidaa darteed sii wadida wadahadalada iyo quud daraynta
Soomaalilaan ay kuwaas wax ka
fishaa waa (quud aan jirin qoryo uguro)

Geba gebadii waxaa hanoboon in shacabka Soomaalilaan ka digtoonaadaan sii wadida riwaayadan
Ay wada metelayaan madaxda Aan wada xukumin Soomaaliya &
Kuwa aan ku xidhnayn shacabkooda ee tuurta ku sita masiirkii umada kuna andacooda
Anagaa naloo doortay si ay udaadifeeyaan argti kasta oo ku haboon habka loo ilaalinayo qaranida Soomaalilaan.
Sidoo kale waxaa haboon in baarlamaanka cadaadis lagu saaro in dib looga noqdo qodobkii xayiraada lagaga qaaday lahadalka Maqaar saarka Soomaaliya.

Allaa Mahad leh

Iman Maxamed Ciise
Hargaisa ,Somaliland