SHAN QODOB OO AAN SOMALIYA LOOLA HADLI KARIN

SHAN QODOB OO AAN SOMALIYA LOOLA HADLI KARIN

Waxaa beryahan dhegeheena kubatay wada hadalada Somaliland &Somaaliya.
Taas oo ayba isku haystaan madax dhaqameedka iyo Siyaasiyiinta. Iyo sidoo kale dilaaliin badan oo riwaayada ku metela ururo Bulsho.

Hadaba qodobadan ayaa ka dhigaya inaanay suurta gal ahayn wada hadaladaasi
Qoraalo danbe ayaan kaga warami doonaa insha alah sabata ugu horeyn loo furay wada hadalada iyo ujeedadii ka danbaysay hadase qodobadaa ayaan ku koobi doonaa.

Q1AAD.

1- Shacabka Somaliland oo aan xiligan udiyaarsanayn inay galaan wada hadal Somaliya ah

Tan iyo intii ka danbaysay doorashadii khilaafka badan dhalisay ee November 2017.
Waxaa qayb samay shacabka Somaliland ragii ku tartamay doorashadaasina mid soo baxay iyo mid dhacayba uma jeesan inay mideeyaan shacabka,
Taas bedelkeeda waxay dab kusii shideen qaybsanaantii.
Waxayna taasi keentay niyad jab weyn oo ku dhacay umada reer Somaliland iyo inay dadku iska kala huleelaan fariimahana isu mariyaan warbaahinta ,sidaas darteed hadaan la helin Somaliland midaysan oo meel uwada jeeda waa guul daro in laga hadlo Somaliya ayaa lala hadlayaa, waxayna noqon doontaa in dadka hadba qayb lala faqo danaha Somaliyana halkan siyar uga fulaan iydoo laga faaiidaysanayo tafraaruqa .

Q2AAD

Soomaaliya kama jirto dawlad shacabkeedu soo doorteen ,
Taas bedelkeedana waxaa soo doorta madaxweynaha xubno lagu sheegay baarlamaan kuwaas oo boosaska ka iibsada xunbo madax dhaqameed ah oo badan kooduna aanay ahayn kuwo si rasmi ah umetela reerahooda.
Waxaana sharci ugu danbaysa maalinta ninkaa madaxweynaha ah la doorto sababtuna waxay tahay isaga laftiisa ayaa codka kasii iibsada Xubnahaa lagu sheegay Baarlamaanka.
Waxaana ku guulaysta hadba ninka ay wataan wadamada shisheeye isaga iyo shandadiisa.
Isguna wuxuu magacaabaa raysalwasaare weliba aanu dookhiisa iyo aqoon kusoo xulin ee loo keeno iyadoo lawado
Cadaadisna lagu saaro, kaasina wuxuu soo dhisaa dawlad ay qaybsadaan isga,ninkaa soo magacaabay oo ah madaxweynaha, iyo darlagu sheegay Beesha caalamka.
Sidaas darteed shacabka Somaliland uma qalmaan in siyaasiyiin iyo madax dhaqan iyo qaar sheegta ururo bulsho oo cid ay metelaan aan la aqoon qaarkoodna xamar laga shidaaliyo ay usiijiidaan horfadhiisiga ragaa aan soo sheegay iyo dawlad lamoodaa taagta daran.

Lasoco qaybaha danbe inshaa alah

Allaa mahad leh

Iman Maxamed Ciise
Hargeysa, Somaliland