Xoghayaha Guddiga Covid-19 oo Guddoomiyaha SOLJA ku eedeeyey inuu Dayacay Masuuliyaddii ka saarnayd Saxaafadda Dalka iyo Sababta

Hargeysa (SalaanMedia)-Xoghayaha Guud ee Gudida Ka Hortaga iyo ka hawlgalka Xanuunka  Corona virus Oo warbaahinta la hadlay waxaa uu si faahfaahsan uga jawaabay Eedaymayo baalmaran Shaqada ay uu hayso ururka suxufiyiinta Jsl Solja oo Gudida Xanuunka Covid 19 ku eedeeyey inay ka gaabiyeen shaqadii ay qaranka u hayeen.

Waxaana Eng Xuseen aadan Cige deyr oo ah Xoghayaha Guud ee Gudida heer qaran ee covid 19 uu soo bandhigay  nuxurka qoraalo uu u gudbiyey Gudoomiayah Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Maxamuud Cabdi jaamac Xuuto,

Su’aalahan iyo nuxurka qoraaladan oo u badan kuwo  ka turjumaya shaqadii ay qaranka u qaabilsanaayeen Hantidhawrka Guud ee Qaranka Somaliland, Ayaa sheegay in Gudoomiye xuuto si khaldan faraha ula galay hawlo aan loo igman ama aanu ku magacowneyn, iyadoo aanu ururka suxufiyiinta somaliland ku midaysan yahay ahayn haayad baadhiseed oo dabagal ku sameysa hawlaha kala duwan ee ay qabtaan haayadaha dawladu, sidoo kale aanu ahayn haayad warbaahineed oo madax banaan oo dabagal iyo barnaamijyo lagula soconayo shaqada qaranka ka diyaarin karta.

Eng Xuseen Deyr Waxaa uu Ku tilmaamay Nimaan shaqadiisa garanaynin Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja, Kaas oo uu sheegay inay jirto dano gaara oo ku khasbaysa inuu madaxda qaranka kula kaco eedo been abuura.

Waxaana uu Si Guud uga waramay Doorka ka gudi ahaan uga shaqeynayaan La tacaalida Xanuunka dunida saameeyey ee corona virus.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Xoghayaha Guud ee Gudida Covid 19.

Halkan Ka Akhriso Nuxurka Qoraalka Uu u Gudbiyey Gudoomiyaha Solja Gudida Covid 19