Allah ha u naxariistee Marxuum Xamse Maxamed Cabdi oo Beri lagu aasi doono Magaalada istanbul ee dalka Turkiga.

Ilaahay haw Naxariiste Xamse Maxamed Cabdi oo ahaa Gudoomiyahayagi Gobolka Togdheer waxa caruurtiisa, xaaskiisi, Hooyadi iyo eheladi isla qaten in lagu aaso xabalaha Magalaada istanbul halkaasi oo ay ku sugan yihin afar Caruura iyo xaaskisu.

Beri oo isniina oo bishu tahay 09.06.2020 ayaa lagu asaaya xabalaha Magaalada istanbul ee dalka Turkiga

Cidi wakhti haysa ee ku sugan magaalada iyo nawaaxigeedu ha ka soo qayb galan aaska.

Marxuumka ALLE Waxan uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.