Faysa Faarah Suusle oo maanso Baroor-diiqa u sameysay Allah ha u naxariistee Marxuun Xamse Maxamed Cabdi  Badhasaabkii gobolka Togdheer..

Faysa Faarah Suusle oo maanso Baroor-diiqa u sameysay Allah ha u naxariistee Marxuun Xamse Maxamed Cabdi  Badhasaabkii gobolka Togdheer..

Xaakinkaa jideeyoo
Xabaal baan la hurahayn
Xigto iyo sokeyiyo
Xaaskiyo walaalkiyo
Xasabadaada oo idil
Haday isku xeeraan
Xayndaab ku geliyaan
Guri kugu xareeyaan
Xaqu baaqan maayoo
Xabaal lama huraayee
Maan tana XAMSAA go’ay
Geesi baa Xabaal galay

Muxuu xaajo murugtoo
Xalked aan la heli karin
Xisaab li’i ku kala furay
Muxuu laba is xasdaayo
Xabada isu qaatoo
Xoolo kala dhacayoo
Xudumaa is goyn laa
Xisaab li’i ku kala furay
Muxuu xoogag kala tegay
Xodayada dhexdoodiyo
Isu galley xorfado jaan
Xumahii ka maydhoo
Wanaag uu dhexdood dhigey
Muxuu xarun togdheer tahay
Xamastiyo caruurtiyo
Xukuumada isu jiidoo
Mid xiskiisu madhanyoo
Darajada ku xoogsada
Xaqoodana ka duudsiya

Xijaab uga ahaayoo
Xagooda aanu deyi jirin

WAA BROOR DIIQ”

MARXUUN XAMSE MAXAMED CABDi??

ALLE Haw Naxariisto
Aamiiiiin Aamiiiiin

BY: FAIZA FARAH SUUSLE !
RABIYOOW cadaabaa
Ka xoree xagiisoo
Xarun janada uga yeel
Amiin amiin amii