Madaxweynaha soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto Madaxweyne ugu igmaday Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo

Madaxweynaha soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto Madaxweyne ugu igmaday Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ahaa Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya sii socodsiinta iyo maareynta hawlaha Golaha Xukuumadda si kumeel gaadh ah.

Wareegtada Madaxweynaha ayaa ku saleysan in aanu hakad gelin qorsheyaasha dowlad-dhiska iyo horumarinta dalkeenna tan iyo inta Madaxweynuhu uu ka soo magacaabayo Ra’iisul Wasaare soo dhisaya Xukaamad tayo leh oo sii dardargelisa xaqiijinta yididiillada shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu Kusime Ra’iisul Wasaare Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) awood u yeelanayaa hagidda hawlaha xukuumadda inta laga soo buuxinayo xilka Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay in ay dalka ka dhacayso doorasho waqtigeeda ku qabsoonta oo lagu wada qanacsan yahay, waafaqsanna Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka dalka iyo in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay ka shaqeynta qodobadii ku soo baxay war-murtiyeedkii Dhuusamareeb iyada oo shirka xiga loo ballansan yahay 15ka 8 2020.

DHAMMAAD