Taliyaha Hawlgalinta Ciidamada Booliska Gaashaanle Sare Hogaan leh Haybad Ciidannimo

Hargaysa(Salaanmedia)..Taliyaha Hawl galinta ee Ciidamada Booliska Jamhuuriyada Somaliland Gaashaanle Sare Maxamed Ducaale waa Hogaanka Hawlgalinta Ciidanka Booliska.


Waana shaqsi Alle iskugu Daray Haybad Dhisme iyo Haybad Dadnimo .
Waa Hogaan leh Haybad Tolmoon oo Ciidannimo .
Gaashaanle sare maxamed Ducaale oo ah Hogaanka Hawl galinta Ciidamada Booliska Jamhuuriyada Somaliland islamarkaana Mudo hayay Xilka Taliyaha Hogaanka Hawlgalinta Ciidamada Booliska ayaa ah mid Hawlahiisa Shaqo laga Dareemo Dalka oo dhan iyo Hawl- galada wanaagsan ee Ciidamada Booliska Somaliland .
Shacabka Reer somaliland ayaa Hogaanka Hawl galinta Ciidamada Booliska u Yaqaana Masuul Ciidan oo Mudadii uu Xilka Hawlgalinta Ciidamada Booliska hayay Waxbadan ka badalay Hanaanka Ciidamada Booliska Sido Kale Taliyaha Hawgalinta Wuxu Muujiyay Dhaqan wanaag Soo jiitay Bulshada Rayidkaa ee ku Nool Dalka Somaliland, Taas oo sababtay in Shacabku ay ku soo dhawaadaan inay la Shaqeeyaan Ciidamada Booliska Guud ahaan.
Mudadii uu xilka hayay oo ahayd Mudo Xileedkii Xukuumadii Madaxweyne Axmed Siilaanyo , oo uu mudo sannado ah hayay ayaa waxa Hawlgalada Ciidamada Boolisku ka sameeyaan Dalka oo dhan lagu Bartay inuu Yahay taliye Dhiiran oo hawlgaladiisa ku Fuliya Nidaam Ay Tiir dhaxaad u tahay CADAALADA , AKHLAAQAD WANAAG , LA MACAAMIL WANAAGSAN OO DHANKA BULSHADA AH IYO KU DHIIRASHO SHARCI.
Taliye maxamed Ducaale wuxuu kasbaday in shacabka Reer Somaliland ay Si Toosa ula Xidhiidhaan Laamaha Ciidamada Booliska xiliyada ay Dareemaan Wax ay uga shakiyaan Inuu lid ku yahay Amaankooda iyo Guud ahaan Amniga Qaranka .

Gaashaanle sare maxamed Ducaale waxa uu ka mid yahay Saraakiisha Tiirdhaxaadka u Ciidanka Booliska JSL tan iyo intii Somaliland ahayd Dawlad madaxbanaan.

Wuxuu guulo la Taabankaro la gaadhay oo wakhtigiisa ugu badan galiyay Ciidamada Booliska somaliland kuwaas oo marxalado kala duwan soo maray.

26/04/2017 ayaa Taliye maxamed Ducaale Laga Badalay Xilkii Taliyahii Hawl galinta Ciidamada Booliska Somaliland, Waxana Loo Magacabay Taliyaha Dugsiga Tobabarka Madheera.

Xiligaas oo Dalka uu ka Socday Ololahii Doorashada Madaxtooyada Somaliland , Xilka Laga Badalay Taliyaha Hawl-galinta oo lagu Macneeyay mid siyaasadaysan ayaa shacabka Reer Somaliland Guud ahaan ka Naxeen islamarkaana ka xumaadeen maadaama oo Shacabku ay Ku barteen Masuul Ciidan oo ku Sifoobay Cadaalad Wanaag iyo ku dhiirasho Sharci iyo Garsoor .

Markale ayaa loo Magacaabay islamarkaana lagu soo Celiyay Xilkii T Hawlgalinta Ciidanka Booliska Somaliland Gashaanle sare Maxamed Du,caale Oo uu Dib u Magacaabay Taliyahii hore ee Ciidamada Booliska Somaliland , Alle ha u naxariistee Cabdilaahi Fadal Iimaan.
Magacaabista la magacaabay Gaashaanle sare Maxamed Ducaale ayaa Noqotay Talaabo markale kor u soo Qaaday Kalsoonidii Ciidanka Booliska Iyo Shacabk Somaliland Iyadoo dhanka kalana ay Magacaabistaasi Fal Dhuun gashay ku noqotay Kooxaha Iyo Dhalinyarada Nabadgalyo darada ka sameeya Gudaha Magaalooyinka Somaliland .

Sida Tuugta Noocyadooda kala Duwan iyo Kooxaha Dhalinyarada Xaafadaha magaalada ka sameeya falalka Amni daro sida kuwa iyagu Dhexdooda Dagaalama iyo kuwa Mobilada Ka Booba Shacabka Rayidkaa , kuwaas oo shaqada Taliye Maxamed Ducaale shaqadiisu u diiday inay helaan jaanis ay ku fuliyaan Hawlahooda Xun ee lidka ku aha Amniga Dalka .

Sikastaba ahaatee Gaashaanle Sare Maxamed Ducaale Taliyaha Hawlgalinta Ciidamada Somaliland ayaa ah Taliye Hantay quluubta Shacabka Reer Somaliland islamarkaana helay kalsoonida Shacabkiisa uu Xilka Hogaan Hawlgalineed u hayo.

Maxamed Ducaale Taliyaha Hawl galinta Ciidamada Booliska Somaliland waa Taliye ilaahay ku Maneystay Haykal Ciidannimo .
Gaashaanle Maxed Ducaale waa Taliye Muuqaalkiisa Ciidan uu Deeqo Shacabka Reer Somaliland kana nixiyo Cadawga Somaliland Ciidanka Booliska Somaliland Waxay Habeen Iyo Maalin Heegan Ugu Jiraan Nabad Galyada Shacabka Reer Somaliland