XISBIGA WADDANI UK OO XAFLAD XIL WAREEJIN AH KU QABSADAY MAGAALADA LONDON: 

XISBIGA WADDANI UK OO XAFLAD XIL WAREEJIN AH KU QABSADAY MAGAALADA LONDON:

Kulan oo Muhiimadiisu ahayd Xil wareejin Gudoomiyihii hore ee Xisbiga Waddani UK mudane Mohamed Ali & Gudoomiyaha Cusub ee UK A/rashiid Magaalo ayaa u Qabsoontay si aad u wanaagsan.

Xafladan ayaa sidoo kale Salka ku haysay Shaacinta Gudiga Cusub ee uu Xisbiga Waddani UK yeelan doono; Gudigaas oo ay Xilalkooda Xubno Badan oo Hablo ahi ka dhex-muuqdeen ayaa la isku raacay in Xisbigu noqday Xisbigii u Badnaa Hablaha Xilalka ka haya.

Kulankan ayaa waxaa ka soo Qayb-galay Xubno Sar-sare oo Xisbiga ka tirsan; Xubno Xildhibaanada Somaliland ka tirsan & Gudoomiyayaasha 13ka Laamood ee Xisbiga Waddani UK.

Xil wareejintan oo u dhacday si aad u heer saraysa ayay dhamaan xubnihii ka hadlay ku bogaadiyeen Gudoomiyihii hore iyo Gudigiisii heerka ay Xisbiga soo Gaarsiiyeen oo ah meel aad u Qurux badan oo ku dayasho iyo Hiigsi u baahan.

Dhamaan Xubnihii Goobta ka hadlay waxay sidoo kale ugu Hambalyeeyeen Gudoomiyaha Cusub iyo Gudigiisa xilalka loo igmaday, Waxaana loo duceeyey in Illahay la garab-galo hawlahan culus ee loo igmaday.

Guddoomiyaha Cusub oo Kulankan soo af-meeray ayaa Balan-qaaday inuu Xisbiga u shaqayn doono intii itaalkiisa ah, wuxuuna dhamaan Gudiga & Xubnaha Xisbiga ka Codsaday inay kala shaqeeyaan sidii hawlaha Xisbiga loo dar-dar gelin lahaa.

Afhayeenka Yurub

Xisbiga Waddani

Qasim A Saleebaan