Maxay ka dhigan tahay in la noqdo madaxweynaha la-doortay ee Mareykanka?

Dalka Mareykanka, Joe Biden oo ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga ayaa loogu yeeraa madaxweynaha la-doortay.

Madaxweynaha la doortay waa erey qeexid oo kaliya ah ee ma ahan xafiis rasmi ah. Sidaas darteed, Biden wax awood ah kuma lahan dowladda, kumana lahaan doono illaa laga dhaariyo 20-ka January 2021, xilliga 12:00pm.

Shabakadaha wararka Mareykanka, oo la socda dhammaan tirinta codadka, ayaa 7-dii November go’aamiyey in tirada codadka uu Biden ku horreeyo ee gobolka Pennsylvania ay noqdeen kuwa aad u badan, taasi oo dhaafisay 270-ka ergo codeed ee uu u baahan yahay si uu noqdo madaxweyne.

Daqiiqado kadib markii ay go’aamiyeen in hoggaankiisa codadka ay yihiin kuwa xisaab ahaan ay xaqiiq tahay inaan lasoo qabin karin, waxay saadaaliyeen inuu ku guuleystay doorashada madaxweynaha.

Waa taas sababta hay’adaha warbaahinta, oo ay ku jirto VOA, ay Biden ugu yeerayaan “guuleystaha la saadaaliyey.”

Mararka qaar, marxaladaha aadka la isugu dhow yahay doorashada, marka ay shabakadaha wararka ay qaataan go’aankan, musharaxa kale ma qirto in laga guuleystay. Madaxweyne Donald Trump weli ma qiran sidaas, isaga oo tuhmaya qiyaameyn codad, oo aan loo hayn wax caddeymo xooggan ah, wacadna uu ku marayo inuu dagaalami doono.

Mowqifka madaxweynaha ayaa kala qeybiyey sharci-dejiyayaasha Washington, ayada oo Jamhuuriga ay taageerayaan in baaris sharci ah lagu smaeeyo tuhunnada la xiriira codadka la qiyaamay, xitaa haddii ay dhanka kale u dabaal degayaan sharci-dejiyayaasha kale ee Congress-ka ee tartamadodoa ku guuleystay.

Goorma ayaa la xallin doonaa murankan?

Doorashada Mareykanka si rasmi ah looma aqoonsan doono toddobaadyo. Sidoo kale, loolan dhanka maxkamadaha ah iyo codadka oo dib loo tiriyo ayaa dhici kara.

Illaa iyo hadda, maamulka Trump ma aysan soo bandhigin caddeymo muujinaya wax qiyaameyn codad ah, kuwaasi oo wax ka beddeli kara natiijada, hase yeeshee waxaa weli jira waqti ay loolan sharci ah ku sameyn karaan.

Marka ay gobollada si rasmi ah u aqoonsadaan doorashada, ayaa waxaa kadib kuwa wax doorta ee horey loo diyaariyey waxay bartamaha December codadkooda ka dhiiban doona nidaamka loo yaqaan Electoral College ee ah kan sida rasmiga ah loogu doorto madaxweynaha.

Congress-ka ayaa kadib si rasmi ah u aqoonsan doona natiijada codeynta Electoral College-ka horraanta bisha January, qiyaastii laba toddobaad ka hor Maalinta Dhaarinta.

Xigasho VOA