Taariikh Nololeedkii Cumer Carte Qaalib Allah ha u naxariistee (1930 ilaa 18-Nov-2020 )

Taariikh Nololeedkii Cumer Carte Qaalib

(1930 ilaa 18-Nov-2020 )

Waa Kuma  Cumar Carte Qaalib ?

Cumar Carte Qaalib ,  waxa  uu ku dhashay  magaalada Hargeysa  sannadkii 1930 , waxaana uu waxbarashada hoose/dhexe uu ku qaatay Hargeysa , waxa la sheegay in uu ka  baxay dugsi sare oo ku yaalla magaalada   Cadan  ee dalka Yemen, markii dambe waxa  uu wax ku bartay jaamacada Bristol ee dalka  Ingiriiska .

Markii uu soo laabtay 1950-yadii  waxa  uu maamule ka noqday dugsi ku yaalla magaalooyinka  Laascaanood , Hargeysa  iyo Berbera , Ingiriiska  ayuu ku noqday sannadkii 1956   isaga oo takhasus ku sameeyay waxbarashada sare ,  waxa  uu soo laabtay sannadkii 1958   oo loo magacaabay maamule ku xigeenka  dugsigii dhexe ee  Sheekh , markaa dib  waxa  uu maamule ka noqday dugsi hoy ahaa oo ku yaalla magaalada Gabiley.

Waxa  uu ka  tirsanaa  xisbi la odhan jiray United Somali Congress , markii  ay Somaliland Ingiriiska  madaxbanaanida ka heshay 26 June 1960  , waxa uu ka mid ahaa raggii siyaasada majaraha u hayey .

Markii kacaanku la wareegay talada Soomaaliya , waxa loo magacaabay wasiirka  arrimaha dibeda 1969 , waxa  uu noqday Madaxa gudiga golaha  ammaanka  ee Qaramada Midoobay 1972  , Sannadkii 1972  ayuu heshiisiiyay Uganda iyo Tanzania oo dagaal iyo colaadi soo kala dhex gashay , sannadkii 1974 waxa  uu Soomaaliya  ku daray ururka jaamacada  Carabta .  Waxa  uu xilka wasiirka  arrimaha hayey illaa 1977.

Waxa uu madax u ahaa gudidii Bangladesh iyo Pakistan ay u saartey jamacada carabtu ee xalka ka dhigey in ay laba dawladood noqdaan.

Dabayaaqadii 77-kii waxa uu noqday Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta Sare Soomaaliya, isagoo noqday guddoomiye ku-xigeenka Golaha Shacabka Qaranka , xilal safiirnimona hore ayuu u soo qabtay.

Dabayaaqadii 77-kii waxa uu noqday Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta Sare Soomaaliya, isagoo noqday guddoomiye ku-xigeenka Golaha Shacabka Qaranka.

7 June 1982,  Cumar Carte Qaalib iyo 6  siyaasi oo kale ayaa laga qaaday xilalkii ay ka hayeen  dawladda iyo xisbigii hanti-wadaaiga kacaanka Soomaaliyeed ,

Sareeyo Guuto Ismaaciil Cali Abokor
Sareeyo Gaas Cumar Xaaji Masale
Gaashaanle Sare Cismaan Maxamed Jeelle
Warsame Cali Faarax (Warsame Juquf)
Maxamed Yuusuf Weyrax iyo
Maxamed Aadan Shekh, ayaa laga qaaday xilalkii ay ka hayeen dawladda iyo xisbigii hanti-wadaaiga kacaanka Soomaaliyeed ,

waxaana 7 February 1989 waxa lagu xukumey dil laakiin dilkiisa waxa  baajiyay cadaadis ka yimi beesha caalamka iyo ururada  u dooda xuquuuqda aadamaha , waxaana  loogu badelay xabsi.

Waxa  lagu hayey  xabsi guri uu ku  jiray laba sanno , bishii January 1991 , ayaa Maxamed Siyaad Barre  u macaabay Ra’iisalwsaare si uu  u soo dhiso dawladd wada hadal la gasha mucaaradkii USC oo gudaha  u soo galay  magaalada Muqdisho. Maxamed Siyaad Barre , waxa  xukunka laga tuuray 26 January 1991.

Amarkii Cumar Carte Qaalib amray ciidanka dawlada Soomaaliya ee la dagaalmayay SNM , USC iyo SPM ayaa ahaa ” dhamaan ciidamada dawlada ee jooga waqooyiga (Somaliland) waa inay isku dhiibaan SNM,  kuwa jooga gobolada dhexe iyo Banaadirna waa inay isu dhiibaan jabhadii USC, kuwa jooga Bay iyo Jubbooyinkuna waa inay isku dhiibaan SPM.”
waxaana  uu arkayey taasi xal nabad horseedi kara  oo colaadaha lagu afjaro.

Garabkii siyaasada ee jabhadii USC , ayaa Cali -Mahdi Maxamed u doortay Madaxweyne , waxaana  uu isna  Ra’iisalwsaare u magaacabay Cumar Carte Qaalib , oo jagadaasi hayey  illaa bishii May 1993.

1993 , waxa uu ka qayb galay shirkii beelaha Somaliland ee magaalada Boorama, waxaana uu tartamay Madaxweynimo.

Somaliland ayuu ku soo laabtay sannadkii 2002, isaga oo madax ka  noqday ururkii Hormood , oo ka qayb galay  doorashadii dawladdaha  hoose ee bishii December , ururkaasi ayaan ka mid noqon saddexdii xisbi ee ka soo baxay doorashadaasi .

Cumer Carte Qaalib waxa uu kale oo uu soo qabtay xilal dhawr ah oo kala duwan , xilkii ugu horeeyey ee uu qabto xornimada ka hor ama shaqadii waxa ay ahayd kaaliye Gudomiyaha Degmada Hargeisa ” assistant District councillor ” waxa uu xiligii Somalia noqday safiir,  wasiirka waxbarashada , Arimaha dibada ilaa Raisal wasaare.

Carte dadka  yaqaanaa , waxa ku tilmaameen in uu ahaa siyaasi karti  badan oo qunyar socod  ah , waxaana uu ahaa nin isku kalsoon hankiisu sareeyo.

Cumar wuxuu ahaa gabyaa, kaasoo ku gabya Carabida, suugaanta Sooamalidana waxbuu ka samayn jiray barigii hore.

Waxa xusid mudan in Cumer Carte uu waxbarasho dib uga galay dalka sucuudiga oo uu jaamacatul madiina Al islaamiya wax ka bartay taasi oo ku tusaysa dedaalka iyo shaqsiyada cumer Carte ee xaga waxbarashada iyo aqoonta , jaamacadaasi awgeed ayuu u iman kari waayey xiligii Madaxwayne cigaal geeriyooday isaga oo ahaa shaqsiyaadka kaliya ee waayo aragnimo siyaasadeed iyo aqoonba la bidayey.

Cumer Carte Qaalib waxa uu dhalay inta aan aqaano 6 wiil iyo 6 gabdhood oo maanta iyaguna dadka ay dhaleen iyo kuwa ay sii dhaleenba isa soo gaadheen .

Cumer Carte Qaalib waxa uu ahaa shaqsi diinta aad ugu wanaagsan, hadal wanaagsan naxariis badan,  dad jecel,  waxa uu dad badan dheer yahay in uu ahaa shaqsi ka balaadhan qabiil iyo meel hoose oo dadku u siman yihiin.

Markii uu ahaa murashaxa Madaxwaynaha sanadkii 2002 ayaan galab u tagey waxa uu iiga sheekeeyey taariikho layaab badan,  isaga oo noo sheekaynaya ayaa waxa noo soo galay rag waaweyn oo wada gaboobay,  waxa uu igu yidhi awoow ninkaasi gaboobay saw ma arkaysid aabihii ayaanu isku xisbi aheyn 1960kii , waa xisbigii Ubax .

Waxa uu yidhi maanta aniga magac, aduunyo iyo wax walba binu adenku jecel yahay waan soo gaadhay waanan soo taabtay,  kaliya waxa i wadaa waa xil aan is leeyahay dalkaagaa iyo dadkaagaa wax baad maanta tari karaysaa ….

Alle ha u naxariisto

By; Mohamed Cabdi Jaamac ( Dhimbiil )

Muxamed Dhimbiil