Barta Afsoomaaliga Barta Q2aad Qiimiga Ereyga HABAR.

Halkee ayeynu maraynay?

ODAY waa Amaanta Amaan ugu Sareysa!, Maxaayeeley Haddii aad aragtid Wiil yar oo Kuray ah, oo Leh, Edeb, anshax, xilkasnimo, qadarin, dulqaad, garasho wacan iyo wax kastoo wanaag Leh oo qof loogu Bogo, weedha keliya ee intaas iyo inkaloo Ka badan wada koobaysa ee Amaanta ah ee lagu yidhaahdaa waxay tahay “Waa Nin Yar oo ODAY ah!”, Hadda waa Kuray!.

Haddii Arin ama Xaajo Ruux wanaag uga dhex Ladqabeeyo ama Samaan iyo siroon uu u dhex galo, oo uu dhameeyo, waxa lagu yidhaahda, Arinkii waad Ka ODAYEYSAY!, aad baad u mahadsantahay Nin ODAY ah baadtahay!, Haddii ladoono in laba Wiil oo walaalo ah oo kala Da’ roon ama kala Gu’ weyn, loo qiro inay kala wanaag badanyihiin oo weliba Ka yar laysku raacay in uu wiilka Ka weyn, uu Ka wanaag falid badanyahay, waxa la yidhaahdaa, Ka Yar baa ODAY ah!.

Marna Ereyga ODAY waxay noqotaa masuul madax ah, oo Suldaan, Boqor, Ugaas, Garaad, Malaaq, Nabadoon, Beel-daaje, Islow iyo inta lamidka ah, hadii aad weydiiso waxay yihiin, hubaal waxay Ku odhan Waxaan ahay Odaygii Reerka!, Hadda maaha kii qoyska ee Aabaha ahaa!, Halkaa waxa inooga cad in ereyga Oday uu yahay erey Amaan, Sharaf, Maamuus, qadarin iyo ruux Qiimo leh loogu yeedho oo aanu Soomaalidii hore facweynaan iyo Da’ shaqo ugulahayn.

Haddaba sidoo kale ayuu Ereyga Habar uu u ahaa Soomaalidii afka inooga tagtay ee beri-samaad, oo sidoo kale ayaa inanta ama gabadha yar marka loo Bogo lagu odhan jiray waa inan yar ama Gaman yar ama Xuur yar oo HABAR ah!.

Hadaba Ereyga HABAR maaha Erey ku jooga Amaanta Amaan koob-satay Sida ODAY, ee ereyga HABAR waa erey Kasii Qaalisan!, waayo, Ereyga HABAR waa Erey Lamid ah Ereyga HOOYO,

Ereyga HABAR qiimiga, wanaaga, Sharafta iyo kalgacalka loo hayey, Bal anigu Buuggaag wax idiinka akhriyi maayo ee ila eega idinkaan idinka dhex tusayaaye  Soomaaliyeey!,

Haddii aynu NAHAY Soomaali Ardaayo ayeynu isku qaybinaa Ku salaysan Qabiil, kaas oo loogu Arooro, Ab-tirsi ama Oday-tirsi, Hadana kalgacalka iyo wanaaga ay Soomaalidii hore u qabeen HABAR ama HOOYO waxaynu Ka dhex arki karnaa Qabiiladeena karaamada iyo Sharafta Leh,

HABAR-JECLO

HABAR-GIDIR

HABAR-YOONIS

HABAR-CARFAAN

Siddoo kale majiro Qabiil Soomaaliyeed oo aan lahay, BAH-heblaayo ama BAH-HABAR-heblaayo/hebel ama BAHO, oo intuba ah HABAR ama HOOYO.

Markaa HABAR waa HOOYO ruuxii odhanaaya HABARTAY iyo ruuxii odhanaaya HOOYADAY Labaduba wey Qumman yihiin ama saxsan yihiin, markaa erayga HABAR waa ereyga HOOYO oo kale, ee Bal Ereyga HOOYO isagu muxuu yahay? ………….. lasoco qormada danbe.

 

Fuad Fartaag

fartaagmuwaadin@gmail.com

 

(Magacyada wanaaga badan ee qabiilada Sharafta, Karaamada iyo Qadarinta Mudan ee aan qormadan ku xusay, waa iga Soomaalida Fahansiin Afkooda Hooyo)