Ceerigaabo: Guddida Qandaraasyada Qaranka oo Kormeer ku sameeyey Mashaariic Xukuumaddu Maalgelinayso

Ceerigaabo (SM)- Wefti ka kooban Xubnaha ka tirsan Guddiga Qandaraasyada oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha guddigaas Nuux maxamed xuseen, ayaa kormeer ku sameeyey dhowr mashruuc oo qasnadda dowladda laga maalgelinayo oo ka socda magaalada Ceerigaabo.