Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

GEEDI SOCODKII NIDAAMKA DIMUQARADIYADEED EE SOMALILAND IYO GAABISKA KA MUUQDA 2002 ILAA 2020

Geedi socodka dimuqaradiyadeed ee somaliland iyo dabaca ku yimid nidaamkii, Koriin la’aanta siyaasadeed iyo sharci ee wasaradaha iyo hay’adaha dawalda ,doorasho la’aanta , iyo rajada furista ururadii siyaasadeed oo muwaadiniintu sugayaan;

 

 

( IN TOBANKII SANO BA HAL MAR LA FURO URURADA SIYAASADA WAA XAQ IYO XUQUUQ MUWAADINIINTA SOMALILAND UU SHARCIGA DALKU SIIYEY )

 

Somaliland dhismaha qaranka iyo koriinku wuu socdaa gaar ahaan qaybta shacbiga oo aad u dedaashay marka aad eegto horumarka ganacsiga dalka , horumarka magaalooyinka , horumarka dad ahaan waxa gaargaar loo qabsaday , dawladnimada iyo wax badan oo kale  , laakiin wali nidaamka siyaasadeed ee dalku maaha mid fadhiya isla markaana u socdo sidii loogu talo galay iyo ujeedooyinkii laga lahaa.

Sidaasi oo kale ayaa koriinka hay’adaha dawliga ah sharciyan iyo siyaasiyan aanay midna u korin oo aan wali la fadhiisin tirada hay’adaha iyo wasaaradaha dawlada taasi oo Somaliland ilaa 1991kii marba madaxweynaha ama xisbiga yimaadaa uu u qaabeeyo sida uu doono ama ay jecel yihiin waxaana meesha ka baxay koriinkii hay’adaha dawlada ,wasaaradaha qaranka oo waxa ka xoog waynaatay in dan siyaasadeed kolna xukuumada laga dhigo wasaarado iyo hay’ado badan marna la soo kobo.

Waxa la joogaa xiligii uu muuqan lahaa biseyl siyaasadeed iyo koboca hal abuurnimo cusub oo qaranka u kaxaysa jiho wanaagsan dadka jamhuuriyada Somalilandna dib ugu abuurta dardar cusub , waxaana jira gaabis xaga nidaamka dimuqaradiyada ah marka aad eegto halka ay maanta taagan yihiin axsaabta siyaasadu waxa aad moodaa in ay ku kala duwan yihiin uun mid talada haya iyo laba dibada ka jooga , waana sababta dadka jamhuuriyada Somaliland uga soo taagan yihiin nidaamka axsaabta siyaasada maanta joogta badhkoodna ay uga aamusan yihiin waxyaabaha socda.

Axsaabta siyaasada Somaliland waxa aynu u samaysanay in ay kaga baxno qoqobka iyo qolo qolada oo dadku ay ku midoobaan aragti iyo mabaadii , waxa laga joogaa 18 sanadood xiligii la furay ururada siyaasada Somaliland, 2002 tartankaasi oo ay ku tartameen ururada Udub ,Ucid,Kulmiye,Sahan,Hormood,Asad oo axsaabta joogta laba ka mid ah ayaa jiray min 18 sanadood waa xisbiyada kulmiye iyo Ucid , halka xisbiga waddani jiro mudo 8 sanadood ah isaga oo soo buuxiyey kaalintii xisbigii Udub ka baxay tartankii ururada siyaasada iyo axsaabta qaranka ee la qabtay dabayaaqadii sanadkii 2012 oo ay ku tartameen ururada kala ah ; kulmiye , ucid , waddani , xaqsoor , umadda , Dalsan ,Rays iyo Nasiye oo aan tartanka galin, waxaa  ku hadhay kala reebistii ururada iyo axsaabta Jamhuriga ,Nuur , Gurmad , Damal , Badbaado , iyo Ndp.

Haddaba maadaama ay tahay xaq sharci iyo xuquuq muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland uu sharcigu siiyey in tobankii sanadood ba hal mar la furo tartanka ururada iyo axsaabta siyaasada waa xaq dastuuri oo uu jideeyey qodobka 22naad ee dastuurka jamhuriyada Somaliland faqradiisa 1aad , qodobka 23naad ee dastuurka jamhuriyada Somaliland faqradiisa 3aad iyo xeer lr 14 oo ah xeerka ururada iyo axsaabta jamhuuriyada Somaliland.

Waxaa jirta in xeer lr 14 uu ku jiro ajandaha kalfadhiga golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland ee hadda socda sidii aan ka halacsaday ajandahooga , waxaana ii soo baxday in la rabo in kaabis iyo wax ka badel in lagu sameeyo la rabo , markaa waxa aan isweydiiyey maxay noqon kartaa xeerka waxa xiligan loogu soo daray ajandaha golaha wakiilada jamhuriyada Somaliland waxaana ii soo baxday in dhawr sababood ay noqon karto ;

 

1-    In gabi ahaanba la rabo in xeerka laga saaro qodobka odhanaya 10 kii sanadood hal mar ha la furo ururada siyaasada , si ay waligood u joogaan sadexdan xisbi qaran.

 

2-    In lagu darayo qodobo xisbiyada siyaasada ee maanta jooga mudo kordhin u sameeya maadaama aanay axsaab sii ahaanayn 2022 waxii ka dambeeya hadii doorashada ururada siyaasada iyo axsaabta la qaban waayo.

 

3-    In xeerka lagu sargoynayo doorashada isku sidkan ee golaha wakiilada iyo deegaanka oo la filayo in ay dhacdo sanadka 2021 , sababta oo ah waxa ay ahayd in ururada siyaasada lagu furo doorasho gole deegaan.

 

4-    In xeerka lagu darayo qaab kale oo loo qaban karo tartanka ururada iyo axsaabta siyaada hadii aanay doorashadani soo socota raacin .

 

 

Haddaba hadii ay dhacdo in ujeedadu noqoto koowaad (1aad), waxaa dhacaysa in somaliland u xuub siibatay nidaam dimuqaradiyad in kooban u afduuban , waxaana meesha laga saarayaa qodobo dastuuri ah oo sugaya xuquuqda siyaasadeed ee muwaadiniinta taasi oo ka dhigan in dastuurkii la iska laabay , waana halis iyo hadimo weyn oo qaranka jamhuuriyada Somaliland soo food saartay hadii taasi dhacdo.

 

Hadii ay ujeedada labaad (2aad) dhacdo oo la rabo in qodobo axsaabta siyaasada Somaliland u kordhinaya mudo xileedkooda in lagu daro xeer lr 14 waxaa ay u ekaan doontaa in looga faaiideysto siyaabo aanu dastuurka iyo shuruucda dalku sheegin sida qodobada dastuurka ee 83naad iyo 42naad looga dhigtay wax lagu sargooyo marba ujeedada laga leeyahay , waana halka uu qaranku ragaadka ka yahay ilaa maanta ee doorashooyin loo qaban kari laayahay ee mudo kordhintu u daashatay dalka.

 

Labada ujeedo 3aad 4aad ee kale maaha qaar wax yeelaya geedi socodka dimuqaradiyadeed ee jamhuuriyada Somaliland , wax ay ku daraan oo wanaagsan mooyaane , waxaana aanu u soo jeedinaynaa goleyaasha qaranka iyo cidwalba oo ay khusayso arintani in laga feejignaado oo loo ilaaliyo muwaadiinta jamhuuriyada Somaliland xuquuqahooga dastuuriga ah .

 

 

 

Somaliland gobolka ay ku taalo ee Geeska Africa iyo in badad oo ka mid ah qaarada Africa waxa ay kaga horeysay nidaamka dimuqaradiyadeed ee doorashooyinka iyo axsaabta badan taasi oo aad moodo hada in dabac ka muuqdo hakadna uu galay doorashooyinkii dalka mudooyinkii ugu dambeeyey oo dhan , sababaha ayaa noqon kara qaar dano siyaasadeed oo inta kuraasida joogtaa ilaashanayso ku fadhiya in dalka doorashooyin looga qaban kari laayahay .

waxaa sidoo kale dhici karta in ay Somaliland nidaamkani ay qaadatay u abuuray cadaawad maadaama aanay wadamada Gobolka iyo guud ahaan in badan oo aduunka ahi jeclayn , kuwaasi oo noqon kara suul-daarooyin iyo qaab loo arki karo in qaranka jamhuuriyada somaliland lagu fashiliyo oo horumarkii nidaamka dimuqaradiyadeed ee uu aduunka sumcada badan kaga helay loogala dagaalamo.

Dadka jamhuuriyada Somaliland waxa haboon in ay dalkooda iyo nidaamka siyasadeed aad ula socdaan isla markaana ilaashadaan xuquuqahooga siyaasadeed iyo nidaamka dimuqaradiyadeed ee jamhuuriyada Somaliland u yaala , oo ay ka baxaan qoqobka iyo in ay in kooban danahooga la raadiyaan , waana in dadka aqoonyahanka ah , siyaasiyiinta , waxgaradka , culimada iyo hormoodka umadu inta uu wax kale ku mashquul yihiin ay u soo jeestaan hanaanka qarankoogu u socdo , sababta oo dhib kasta oo dal ku burburay ama dagaalo ka dhaceen waxaa sababa iyada oo talada iyo hogaanka dalka in koobani maroorsatay.

 

Hogaamiye Mohamed Dhimbiil

somalilandstar@gmail.com

Mohamed Abdi Jama