Itoobiya Oo Sheegtay Inay Wiiqday Awooda Ay kusii Dagaalami Karaan Xoogaga Tigrey-ga

Itoobiya Oo Sheegtay Inay Wiiqday Awooda Ay kusii Dagaalami Karaan Xoogaga Tigrey-ga

maxresdefault – Sabtida barri ah ayaa noqoneysa maalinti toddobaad xilligi ay dowladda dhexe ee Itoobiya ku dhawaaqday ciidamadeeda iney la wareegeen caasimadda Tigraay ee Maqale.

Halka ay hoggaanka TPLF ee dhuumaaleysiga ku jira ay sheegayaan iney dagaalka weli fari ka qodneen.

Guddoomiyaha Jabhadda Xureynta Shacabka Tigraay ee TPLF Debretsion Gebre-Mikael iyo Getachew Reda oo ah xubin sare oo ka tirsan hoggaanka TPLF oo telefishiinka Tigraay maalinti shalay ahayd u warramay waxay sheegeen “Dagaalka inuu soo afjarmin, uuna soo afjarmeynin”.

Hase yeeshee, Wasiirka Kobcinta Dimuqraadiyadda Zadig Abraha wuxuu sheegay “awoodda TPLF ay wakhti xaadirkan ku sugan tahay iney ahayn mid ay dagaal ku sii wadi karto, ciidama u dagaallama iyo hub culus oo ay ku dagaallamaan midna aysan haysan, taageera shacabna sida oo kale ma haystaan”.

Toddobaadki la soo dhaafay ciidamada dowladda Itoobiya marki ay qabsadeen magaalooyinka ugu waaweyn deegaanka Tigraay, hoggaanka TPLF waxay isaga baxeen caasimadda Maqale, iyaga oo sheegay iney dagaalka sii wadayaan.