Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda oo Been-abuur ku tilmaantay Warar Baraha Bulshada lagu faafiyey

Hargeysa (SM)- Kaddib markii Saacadahii u dambeeyay ay Qaybaha Warbaahinta Dhex wareegaysay Waraaq Muujinaysa Miisaaniyada Dawladaha Hoose ee Wasaarada Maaliyadu u qoondaysay, waxa arritaas ka jawaabtay Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.

War qoraal ah oo ka Soo baxay Wasaarada Maaliyada oo Nuqul ka midi soo gaadhay Xafiiska Shabakada Wararka Ee SalaanMedia, ayaa lagu sheegay in la marin-habaabiyey xogta ku duugan shaxda lagu soo bandhigay baraha bulshada.

“Muwaadin shaxdani maaha mid Dowladda Dhexe ay u qoondaysay Dowladaha-hoose ee Dalka, balse waa odoroska kharashka miisaaniyadda Dawladaha Hoose ay u soo gudbiyeen Wasaaradda Maaliyadda, taas oo ay ku saleeyeen cashuur-ururinta ay samayn donaan iyo Ilaha dakhli ee kale ee ay filayaan sannadka 2021.” Sidaas ayaa lagu sheegay qoraalka ay soo saartay wasaaradda Maaliyadda ee JSL.

SalaanMedia.com/Hargeysa