Guddoomiyaha Gudiga Qandaraasyada Oo Kormeeray Mashaariic Xukuumadu Ka Fulinayso Oodweyne

Odweyne (SM) – Gudoomiyaha Guddida Qandaraasyada ee Somaliland Nuux Maxamed Xuseen iyo wefti uu hoggaaaminayo oo ay xubno ka yihiin Agaasimaha iyo Xubno guddigaas ka tirsan, ayaa maanta kormeer ku sameeyey mashaariic kala duwan oo xukuumaddu ka hirgelisay magaalada Oodweyne ee gobolka Daadmadheedh.