MAANTA WAXAAN ARKAY QISADII IIGU CAJIIBKA BADNAYD

MAANTA WAXAAN ARKAY QISADII IIGU CAJIIBKA BADNAYD

waxa qoray Qisadan Yasin Shide

Waxaan saaka Dhakhtar uraacay nin aanu SAAXIIB nahay intii uu dhakhtarkii la kulmayay waxaan fadhiistay Qaybta Sugitaanka ama ay halka dadku u fadhiistaan Digtoorka doonayaan’ waxa goobtaa kuraasta ku fadhiyey dumar dhowra oo iyaguna dhakhtarka sugaya.

Aan hadaba idiin bilaabo Qisadane

Waxa dhacay nin qurbo jooga ayaa shoow halkan xaas Minyaro u ahayd ayaa u joogay’ islaantiisii Mineynada ahaydna oo qurbaha joogtayna maba oga in Saygeedu Haweenay Minyaro ah uu la guursadaye’ ka dib Haweenaydii Minweynadaha ahayd ee Ninkani qabay oo Qurbaha ay isku Qabeen’ waatan iminka qurbihii xanuun looga soo yaacayo ee dabadeed ninkii iyo minwayntii ayaa qurbaha ayey dhawaan ka wada yimaadeen’ kolkaa sidaan fahmay hudheel magaalada ah ayuu ku dagay islaantiisa Minweynada ahina inan walaasheed dhashay ayay ku degtay.

Hadaba marku xaalku sida yahay aan u soo laabto Qisada aan goob jooga u ahaaye DHAKHTARKA ka dhacdaye’ saaka ayaa waxa dhacay haweenaydii Minyarada ahayd ayaa Dhakhtarka waxay keentay cunug ka xanuun saday’ dabadeed waxay qortay magicii Wiilkeeda oo sadexan’ minwayntii odaygu qabayna Inantii walaasheed dhashay ayaa cunug ka bukooday islaantiina inantii (Minweynadii)na cunugii ayay la soo qaday’ kad Dhakhtarkii ayaa laysugu wada yimi laakiin hada la soco oo xaajigii isagu ma joogo meesha sidaan fahmay minyaradu waxbay ogtahay in ay arinka guurkeedu qarsoodu qarsoodi noqdo waxaanay xidhnayd Jilbaab sidatay Minyaradu.

HADABA MAXAA DHACAY ?

Waxaanu dhamaan fadhiisanay kuraasta dhakhtarka lagu sugo dumarkiina way naga soo horjeesteen iyada oo arinta cajiibka ay ahayd in labadii dumar ahaa ee aan is ogayn ee Ninku wada qabay ay waliba dhinaca ay isa-saareen’ odaygii minyarada dhakhtarka ayuu kula balamay intii uu soo socday ayaa minyaradii loo yeedhay dabaded waxay dumarkii ku tidhi cunuga aabihii ayaa imanaya qofkale hala siidaayo oo ha layga horaysiiyo’ waxaanay Haweenayda Minyarada ahayd Wacday odaygeedii’ ka dib shoow ninkan odaygu magac kale oo labadiisa xaasba u yaqaanaan (Naanays) ayuu leeyahay dabadeed magacii ayey ugu yeedhay.

Ka dib islaantii Minweynada ahayd ee Kursiga ku fadhiday oo kolkii horeba arkaysay cunuga magaca lagu xaadiriyay ayaa minyaradii ooy dhinac fadhidu ku tidhi “Naa maxaa qaldan..” ?? intay kor u qaylisay dabadeed dadkii waxay moodeen in xaga karanka khalad dhacay inantii kaadhka haysay ayaa tidhi “Eedo isdeji waxba maqaldana …”islaantii waxay tidhi “Sidaa maaha ee ii kaadiya..” anagu waxba maanu fahmin lakiin islaantii hadalkii may jarin minyaradiina markiiba Xagii Qolkii Digtoorku fadhiyey ayey u kacday’ mala intay odaygii raagsatay islaantii oo is celin kari wayday ayaa show masayr ku waa balaayee ayaa anagoo dhowr qofa nagu fatahday waxay tidhi “Maanta ma saa iib ayaa jirta..” waanu yaabnay waxanu nidhi Illaahay dhibta hakaa kor qaado waxayba noogu jawaabtay “Waar iikaadiya…”

Halka marku xaal maraayo saa odaygii ayaaba soo galay MAXAA DHACAY ?

Haweenaydii Minyaradiina cunugii ayey qolkii Digtoorka kala soo baxday’ markaasay ugu waali casayde sadexdii qofba foodaa laysku dhuftay’ odaygii intuu minwayntii xageedii ujeestay ayuu yidhi “Oo miyaad bukootay maxaa dhacay…”Intay jilbaabkii tuurtay Haweenaydii Minweynadii ayey kaladhka laacday Saygeedii.

Jaahwareer Iyo Buuq Bilaaban dhakhtarka gudihiisii ?

Ka dib Haweenaydii Minyarada ahayd iyadu kolkiiba wax bay fahantay oo intay debeda u baxday ayey Taksi fuushay ii iyada iyo Cunugeedii iska nabadgale’ anaguna arinkii fahanay odaygii oo dhowr gacmood ku dhaceen ugurmanay waa nin raga nimo udhashee wuxu aad yar Ooridiisii Minweynada ahayd uu ku yidhiba “Naa walaal magabadha sadexda caruura iidhashay ayaad iminka kamasayrsan tahay waan ku xaalmarinayaa sodoh ayaa tahee haceeboobin…”

Aniga iyo inantii ay u habaryarka ahayd gabadha Minweynada ahayd ee waagu ku Baryey ayaa Islaantii isku duubnay odaygiina nagaba dhaqaaq Hadii aan halkaa wixii kadhacay kamarad kaqaadi lahaa riwaayad buura ah ayaa laga jililahaa Soow Maaha kkkk😀😄😃👌

TALO SOO JEEDIN waar Raga Somaliyeedoow waxaan raga kula talinlahaa waar ilaahay kabaqoo khiyamada intaa la eeg iska daaya waayo saaka islaantasi inay waalato ayay ku dhowaatay’ markaad guursanaysid gabadh kale hadii aad kolka hore qarisid markay kuu hirgasho usheeg xaaskaagii hore MAHADSANIDIN

Xigasho: waxa qoray Qisadan Yasin Shide