Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta oo soo dhaweysay Ansixinta Xeerka Sahaminta Shidaalka

Hargeysa (SM)- Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland, ayaa soo dhawaysay go’aanka ay Golaha Wakillladu maanta ku ansixiyeen Xeerka Sahaminta iyo Soo-saarista Shidaalka ee dalka.

Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku meel-mariyey Xeerka Sahaminta iyo Soo-saaridda Shidaalka oo in muddo horyaallay Golaha Wakiillada.

Xeerka oo muddooyinkii u dambeeyey mudaneyaashu ka doodeen, isla markaana wax-ka-beddel iyo kaabis lagu sameeyey, waxa golaha u soo gudbiyey Wasaaradda macdanta iyo Tamarta ee Somaliland.