Weftiga Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada oo kormeeray mashaariic Berbera laga hirgeliyey

Berbera (SM)- Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud iyo Xubno ka tirsan Guddigaas, ayaa maanta kormeer ay ku daba-galayaan qaabka loo fuliyey ku sameeyeen mashaariic kala duwan oo xukuumaddu ka hirgelisay magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil.