Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ay wehelinayaan Hoggaanka Sare ee Xisbiga ayaa galabta ku qaabilay hoygiisa wefdi ka socda

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ay wehelinayaan Hoggaanka Sare ee Xisbiga ayaa galabta ku qaabilay hoygiisa wefdi ka socda Saaxiibada Somaliland & daneeyayaasha Dimuqraadiyadda.

Wefdiga ka socday Beesha Caalamka ayaa isugu jiray wufuud ka kala socda EU, UN, Britain, Sweden, Denmark, iyo Germany oo dhammaantood ah saaxiibada Somaliland ka taageera doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda.

Xisbiga WADDANI iyo Wefdiga Beesha Caalamka ka socda ayaa isla falanqeeyey isla markaana ka wada hadlay arrimaha habsami u socodka howlaha u diyaar garowga doorashooyinka isku sidkan ee ku muddeysan in ay dhacaan 31 may 2021.