Midowga Musharaxiinta oo Codsi deg deg ah u diray Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay

Midawga musharrixiinta ayaa warqad ay u direen Madaxweynaha Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay, Marwo Dame Barbara Woodward, waxay dalbadeen in xaaladda Soomaaliya si dhaw loo soo farageliyo si loo fududeeyo in si dhaqso leh looga hirgeliyo geeddi-socodka doorashooyinka Soomaaliya, loona hubiyo in si deg-deg ah loo qabto doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha.

Musharrixiinta ayaa ku eedeeyay madaxweynaha mudda xileedkiisu dhamaaday iyo xulafadiisa maamulka ay diideen ka shaqeynta fududeynta doorashooyin xor iyo xalaal, waxayna intaa ku dareen in hadii Golaha Amnigu uusan fara gelin uu Farmaajo sii wadi doono carqaladeynta dadaallada lagu doonayo geeddi-socod doorasho oo dimuqraadi ah.

Warqaddooda ayey ku sheegeen in xiisadda siyaasadeed ee hadda jirta oo khatar ku ah xasilloonida Soomaaliya ay ka dhalatay Siyaasada Farmaajo ee lagu bartilmaameedsanayo Dowladaha xubinta ka ah Federaalka iyo kuwa siyaasad ahaan kasoo horjeedda oo ay weheliso ficilkiisa ula kaca ah ee sida joogtada ah dib loogu dhigo doorashooyinka si loo raadiyo muddo kordhin sharci darro ah ama awood lagu qabsado qaab militari.

Waxay codsadeen in Farmaajo lagu qasbo inuu joojiyo dhammaan faragelinta lagu hayo howlaha doorashada iyo inuu xilka ku wareejiyo gole kumeelgaar ah oo qaran oo ka kooban Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaasha Aqalka Hoose iyo golaha shacabka.

“Waxaa burburay kalsoonidii siyaasadeed ee Soomaaliya maxaa yeelay waxaan markhaati ka nahay dadaal nidaamsan oo uu Farmaajo ku doonayay inuu ku majaxaabiyo dimuqraadiyadda, una adeegsado xoogag milatari si uu sharci darro xafiiska ugu sii joogo”, ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxay sidoo kale sheegeen in Febaraayo 18-19 ay ciidamada dowladda federaalka oo ka amar qaadanaya Farmaajo ay isku dayeen dilka dhowr murashax madaxweyne iyo hogaamiyaasha mucaaradka, ayna rasaas ku fureen iyaga iyo dibadbaxayaal kale oo si nabad ah isugu soo baxay magaalada Muqdisho si ay u dalbadaan doorasho deg deg ah, sidoo kalana ay Hotelka Ma’ida ku weerareen seddex musharax. Ficiladaan gardarrada ah ma ah kaliya sharci darro iyo anshax xumo, laakiin waxay horumariyaan dhaqanka Farmaajo ee caburinta xuquuqda dadka Soomaaliyeed ee ah inay hadlaan oo ay si xor ah isu soo baxaan, arrintaas oo si aad ah u wiiqaysa rajada laga qabo doorasho xor iyo xalaal ah.

Waxay sidoo kale caddeeyeen in Farmaajo uu Muqdisho ku aruursaday ciidamadii xooga dalka Soomaaliyeed ee la filaayay inay la dagaallamaan Al Shabaab, si ay weeraro cusub ugu qaadaan guryaha ay degan yihiin musharixiinta u taagan xilka madaxweynenimo una laayaan musharixiinta iyo hoggaamiyeyaasha kale ee siyaasadeed.

Midawga Murashixiinta ayaa si xushmad leh uga codsanay golaha Amniga inuu qaado tallaabo deg deg ah oo lagu baarayo xasuuqyada uu geystey Madaxweynaha sharciyaddu ka dhamaatay si cadaaladda loo horkeeno kuwa ka masuulka ah dhibaatadii dhacday. Waxaa kale oo ay codsadeen in ficil si deg deg ah loo sameeyo si looga hortago dadaalada sharci darada ah ee taliska waqtigiisu dhamaaday ee ah inuu xukunka ku dheganaado, iyo in la hubiyo doorashooyin xor iyo xalaal ah todobaadyada soo socda.

Waxay amaaneen go’aanka beesha caalamka ay sanadadaha badan ku waday siyaasadaha sii xoojinaya nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, inkasta oo ay tilmaameen dhibaatooyinkii dhawaanahaan dhacayay ay wiiqayaan dadaalladaas. Ficillada maamulka waqtigiisu dhmaadaya ayey sheegeen inay kiciyeen khilaafaadka qabiilka, qalqal geliyeen ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo hey’adaha dowladeed ee kale ee jilicsan, ayna dhiirri galiyeen kooxaha argagaxisada sida Al Shabaab oo doonaya inay ka faa’iideystaan xasilooni darrada. Waxayan rajeeyeen go’aan degdeg ah oo Golaha Amaanku qaato, uu dhabbaha u xaarayo doorashooyinka dimoqoraadiyadda ee soo socda.

Qoraalka loo diray Madaxweynaha Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay, Marwo Dame Barbara Woodward ayaa sidoo kale la ogeysiiyay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, Xoghayaha Arimaha Dibadda Mareykanka, Antony J. Blinken, Guddoomiyaha, Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamet, Wakiilka Sare ee Midowga Yurub ee Arimaha Dibadda iyo Siyaasada Amniga ahna Madaxweyne kuxigeenka Guddiga Yurub, Josep Borrell Fontelles, Wakiilka Midowga Afrika ee Nabadda iyo Amniga, Danjire Smail Chergui, Xoghayaha Fulinta IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu, Xoghayaha guud ee OIC, Dr. Yousef Bin Ahmad Bin Abdul Rahman, Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Axmed Aboul-Gheit.