Geeri naxdin Badan oo caawa ka dhacday caasimadda Somaliland ee Hargaysa.2 wiil oo saxiiba ah oo..

انا لله وانا اليه راجعون

Geeri naxdin Badan oo caawa ka dhacday caasimadda Somaliland ee Hargaysa.2 wiil oo saxiiba ah oo..

Waxay ahaayeen Saaxiibo Isku meel ka shaqeeyaa, kadibna Isku meel qudha kuwada Geeriyooday.

Sidiiq Xaashi Iyo Mawliid Abiib Gudhane, Waa labada marxuum ee caawa kuwada geeriyooday Hargaysa ee gaadhigu ku jiidhay xaafadda loo yaqaan”Kaalinta-sideedaad” ee Degmada Maxamuud Haybe.

Ilaahay ha u naxariisto labada marxuum, Qoysaskoodi iyo qaraabadoodiina samir iyo iimaan ha ka siiyo.

Labadan Marxuum oo marayaa waddada garab marta Dugsiga Maxamuud Axmed Cali ayaa gaadhi nooca loo yaqaan Land Cruiser uu Ku jiidhay isagoo ku qabtay gaadhi kale oo wayn oo nooca xamuulka qaado ah, Sida ka muuqata sawirka Hoose halkaas ayaanay ku naf waayeen labada marxuum.

Geerida labadan marxuum ayaa caawa laga dareemay magaalada Hargaysa.