Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL Oo Ku Dhawaaqay In Xilliga La Bilaabayo Qaadashada Kaadhka Codeynta Ee Gobolada Galbeedka

Guddoomiyaha komishanka Doorashooyinka qaranka JSL Cabdirashiid Maxamuud Cali (Cabirashiid Riyo-raac) ayaa sheegay in 31-03-2021 si rasmi ah gobolada Maroodijeex, Awdal iyo Gabiley ay ka bilaabmi doonto hawsha bixin kaadhadhka Codbixiyeyaasha, iyadoo kaadhka codeynta laga qaadan doono dhammaanba goobahii hore ee ay diiwan galintu ka dhacday, taas oo socon doonta muddo 3 saddex cisho ah.

 

 

Guddoomiyaha komishanka Doorashooyinka qaranka JSL ayaa shacabka ugu baaqay inay qaataan kaadhadhka codeynta, isla markaana ka faa’iideystaan mudada loo cayimay qaadashada kaadhadhkaas, iyadoo la raacayo tilmaamaha wasaaradda horumarinta caafimaadka ee xakamaynta xanuunka Covid-19, sida Af-saabka, Kala fogaan shaha iyo ilaalinta faya-dhawrka.

 

Ugu dambayn guddoomiyaha komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland ayaa u mahad naqay xukuumadda, Xisbiyada qaranka, Ciidanka kalad duwan ee dalka, Jaamacadaha , Beesha caalamka iyo guud ahaan shacabka Somaliland, sidii ay ula shaqeeyaan gudida Doorashooyinka qaranka ee ay uga qayb qaateen arrimaha doorashada iyo diiwaan gelinta.