Talaalka xanuunka Covid19 oo soo gaadhay Somaliland iyo Masuuliyiinta Caafimaadka dalka oo ka hadlay

Hargeysa (SM)- Tallaalka ka-hortagga Xannuunka Covid-19 ayaa maanta soo gaadhay magaalada Hargeysa, waxaana sidday diyaarad ay leedahay Qaramada Midoobay oo ka timi dhinaca dalka Kenya.

Diyaaradda oo ka soo degtay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, waxa agabka caafimaad ka guddoomay Wasiirka Caafimaadka Somaliland oo uu ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaas iyo Wasiirka Diinta iyo Aw-Qaafta ee Somaliland.

Masuuliyiinta Xukuumadda Somaliland oo warbaahinta ugu warramay gudaha garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, waxa ay ka warrameen muhiimadda uu tallaalkani leeyahay iyagoo shacabka u jeediyey baaq ku aaddan xannuunka Covid-19 oo saamayn ku yeeshay guud ahaan dalka.