Maamulka Puntland ee Somaliya ayaa ku amartay wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon, in uu ka baxo deegaamadeeda.

Maamulka  Puntland ee Somaliya ayaa ku amartay wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon, in uu ka baxo deegaamadeeda.

Coldoon, oo ku sugan Garoowe ayaa Boolis loogu geeyay Hotelka uu degan yahay iyadoo lagu amray in uu ka baxo magaalada.

Arrimo la xidhiidha Qoraallo uu hore ugu qoray Face Book-ga ayaa loo aanaynayaa in ay keentay in Puntland amarto in uu ka baxo deegaamadeeda.

Coldoon, ayaa waday olole uu ugu gargaarayo dadka Danyarta ah ee deegaamada Soomaalida.

 

Source  Xasangalaydh