Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Rabshadaha Muqdisho: Baaqa Madaxweyne Farmaajo xal ma u noqon karaa ?

HabeenkiiAbril 30, 2021 ayaa dagaalo saacado qaatay ay ka dheceen meelo ka mid ah degmooyinka Hodon, Howlwadaag iyo Karaan ee magaalada Muqdisho. Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo Arbacadii Abril 28kii warbaahinta kala hadlay dadweynaha Soomaaliyeed ayaa sheegay inuu xasilloonida dalka u tanaasulay.

Baaqa Farmaajo waxuu u muuqdaa inuu xal u noqon karo halista qalalaasaha siyaasadeed. Rabshadaha waxaa ku waxyeelloobay dad u badan dan yar oo aan waxba galabsan, waxayna sababeen barakac iyo burbur u baahan in wax layska weydiiyo.

Falanqeyeyaasha siyaasadda ayaa rumeysan in Madaxweyne Farmaajo ku fashilay seddax arrimood oo xasaasi u ah dowladnimada: (1) Doorashada qof iyo cod oo si sahlan farahiisa uga  siibatay; (2) Isku dhafka ciidamada maamul-goboleedyada oo uusan diiradda saarin ciribtirka cutubyo isku  hayb ah; iyo (3) Sharciyeenta Qaraarka Golaha Shacabka oo uusan ka fiirsan.

Falcelinta Mucaaradka

Ka hor inta aan muddo kororsiimada loo sameyn madaxweynaha, mucaaradku waxuu abaabulayey banaanbaxyo looga soo horjeedo Farmaajo oo sii huriyey amni darrada caasimadda.

Sida muuqata ujeeddada hawlgalka hubeysan waxuu ahaa masrax siyaasadeed oo looga dan lahaa dhowr arrimood: (b) In la dhaawaco sumcadda Dowladda Federaalka Soomaaliya; (t) In la qabiileyo ciidamada; iyo (j) In boos laga riixdo shirka wadahadallada doorashooyinka.

Shaki kuma jiro, in abaabulka isku dubbaridan uusan iskii u dhalan waxuuse la’aa seddax shay oo muhiim u ah kacdoon shacbi: (1) Sabab (purpose/cause); (2) Qof diyaar u ah inuu u dhinto; iyo (3) Taageerada shacabka.

Runti mucaaradka waxay rajaynayeen inay dowladda Madaxweyne Farmaajo kala tuuraan, haddana ilaa hadda waxay ku dhici la’yihiin inay si rasmi ah u sheegtaan hoggaanka “fowdada,” taas oo marqaati u ah falcelintu inaysan ahayn middii ugu habooneyd.

Khasaaraha ay kala kulmeen falkooda ayaa ah: (1) Inay ku sifoobeen mucaarad hubaysan; (2) In loo aqoonsan doono qaswadayaal; iyo (3) In cuqubad ka raacday jebinta xurmada bisha barakeysan.

Abaabuleyaasha waxay ka ilduufeen in Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka uu hore u yiri. “Waxaan diyaar u nahay inaan tixgelinno dhammaan aaladaha la heli karo, oo ay ku jiraan cunaqabateynta iyo xaddidaadda fiisaha, si looga jawaabo dadaallada [fowdada] lagu wiiqayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.”

Falka Dowladda

Inkastoo dalka ay ka jiraan mucaarad qayla-dheer oo aan lahayn mabda’ dhaafsan qabiil qaarkoodna lagu xanto inay u adeegaan dano shisheeye, haddana waxaa caddaatay inay jiraan muxaafid aan waxba dhaamin oo aan dan ka lahayn haddii uu dalku burburo si ay awood u helaan. Taasi waxay marqaati u tahay in siyaasiyiinta Soomaaliyeed aysan waxba ka baran qaladaadkii siyaasadeed ee dalka.

Go’aanka Golaha Shacabka waxuu ahaa afgambi siyaasadeed oo u gogolxaarayey kalitalisnimo aan geed loogu soo gamban lagumana xisaabtami cawaaqib xumada ka dhalan karta.

Walow looga digay madaxweyne Farmaajo inuusan sharciyeynin qaladkaas, haddana u bareeristiisi waxaa ka dhashay dhowr arrimood: (1) In dalka ku sigto inuu lumiyo xidhiidhkii dalalka reer galbeedka; (2) In kaydii horumarinta loo isticmaalo mushaarada dalka mustaqbalka aan la hubin; iyo (3) In dalku ku dhaco dabintii shisheeyaha.

Ku dhiirashada in meesha laga saaro kuwa ka horyimaad siyaasadda madaxtooyada xitaa iyadoo loo marayo wadiiqo aan dastuuri ahayn waxaa sahlay: (1) Isku dheeli tirka la’aanta awoodaha dustuurka (sharcidejinta, fulinta iyo caddaaladda) oo ka dhalatay hoggaanka Golaha Shacabka oo ku dhacay gacanta fulinta; (2) La talin hufnaan iyo karti xum; (3) Go’aan qaadasho kedis ah ee ka soo ifbixiday shirarkii Dhuusamareeb, iyo afisiyooni oo horseeday jibinta heshiiskii September 17, 2020.

Si kastaba ha ahaate, kala qaybsanaanta siyaasadeed waxay saameyn ku yeelatay sharafta iyo waxtarka hay’adaha muhiimka u ah dowlanimada dalka. Waxaase cajiib ah, in ciidamada amniga ay muujiyeen inay daacad u yihiin ku dhaqanka sharciga, inkastoo mitidiinta mucaaradka ay isku dayeen in beerlaxawsi qabiil iyo ballanqaad ribix ku daciifinyaan niyadda, wadajirka iyo awoodda ciidamada dalka.

Waxaa laysku hayn in siyaasiyiinta Soomaaliyeed aysan garwaaqsan in himilada dadweynuhu tahay helitaanka dhaqan siyaasadeed dimuqraadi ah oo lagu loolamo siyaasad ahaan aqlabiyadda baarlamaanka, iyo banaanbaxyo nabdoon iyadoo aan marnaba hub lala soo baxeyn amase ciidanka lagu casuumeen.

W/Q Cabdulqaadir Cariif Qaasim