Professor Abyan oo Socdaal wax weyn ka beddelay loollanka Murashixiinta Guddoomiyaha Golaha Wakiiillada JSl ku tagay Degmada Oog

Laascaanood (SM)- Siyaasi Axmed Cabdi Muuse Abyan oo ka mida siyaasiyiinta ugu miisaanka culus ee Gobolka Sool, ahna murashax u taagan Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa toddobaadkan socdaal qayb ka ah ololaha uu ugu loolamayo kursiga ku tagay deegaano ka tirsan gobolka Sool.

Siyaasi Axmed Cabdi Muuse oo hore u soo noqday Murashaxii Madaxweyne Ku-Xigeen ee Xisbiga UCID oo uu xilligan ka tirsan yahay, waxa dhoweyn ballaadhan loogu sameeyey degmada Oog ee gobolka Sool oo siyaasigu socdaal ku tagay toddobaadkan.

Waxgaradka, cuqaasha, odayaadha dhalinyarada haweenka iyo inta badan bulshada degmada Oog ayaa meel Magaalada ka Baxsan kaga hortagay murashax Abyan iyaga oo usoo gelbiyay gudaha magaalada, waxaanu goob-fagaare ah kala hadlay bulshada kala duwan ee magaalada.

Qaar ka mid ah Waxgaradka degmada Oog oo goobta uu murashaxu bulshada hadalka ugu jeediyey ka hadlay, waxa ay Prof Abyan ku sifeeyeen siyaasi miisaan gobolku u baahan yahay inuu ku metelo mansabka dowladda, waxaanay u rajeeyeen in Eebbe ku guuleeyo Doorashada la filayo inay dhawaan ka qabsoonto dalka.

Gabagabadii Munaasibadda, Prof Abyan waxa uu hadal Mahadnaq iyo hambalyayn u jeediyey bulshada degmada Oog oo uu uga mahad-celiyey sida Qiimaha iyo milgaha leh ee Shacabka Degmadu u soo dhaweyeen.

Kursiga Golaha Wakiillada ee Somaliland waxa u inta la ogyahay shaaciyey inay u tartamayaan saddex siyaasi oo ka soo jeeda gobolka Sool, kuwaas oo kala ah Prof Axmed Cabdi Muuse Abyan oo Xisbiga UCID ka sharraxan, Cabdirisaaq Khaliif oo ka sharraxan Xisbiga Waddani iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Prof Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon, iyadoo dhaq-dhaqaaqyada ololaha ee labadan siyaasi ee dambe si xooggan looga dareemayey gobolka muddooyinkii u dambeeyey.

Si kastaba ha ahaatee, socdaalka uu Prof Abyan iyo Soo-dhaweynta ay ku qaabileen shacabka degmada Oog, ayaa u muuqata mid wax weyn ka beddeshay wejigii hore ee ay lahayd saadaasha murashaxiinta ugu cad-cad Kursiga Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, waxaana la filayaa inuu Prof Axmed maalmaha soo socda safarro ku tago deegaamo ka tirsan gobolka Sool.