Maxaa sababay Guuldarada Xisbiga Kulmiye?

Maxaa sababay Guuldarada Xisbiga Kulmiye?
======================================================

Doorashadan 2021 ee ka dhacday Somaliland waxay si cad u fayday liicitaanka awoodeed ee Xisbiga Kulmiye, tan waxaa sabab u ah dhaqamada iyo ficilada taban ee dalka ka dhacay mudadii afarta sanno ahayd ee Muuse Biixi dalka hogaaminayay, kuwaasoo aan ka xusin karo, la wareegitaankii aan sharciyada waafaqsanayn ee shirkadihii ganacsiga Shidaalka ee Haamaha Berbera, xidhitaankii shirkadihiii Diyaaradaha ee Al-carabiya iyo Fly Dubai, sifihii sharci darada ahaa ee lagula wareegay Hargeisa Club, muwaadiniintii sida xaqdarada ah xooga loogala wareegay dhulkoodii, dadkii birma-gaydada ahaa iyo halgamayaashii dalkani lahaayeen oo jeelasha lays kaga amuugay sifo aan sharci ahayn, dagaalkii lagu qaaday akhyaartii Kulmiye halbawlaha u ahaa, kana tirsanaa dawladii Axmed Siilaanyo, isla markaana ahaa raggii Muuse Biixi laftiisa dhisay, ee sababta u ahaa inuu maanta halkan joogo, IYADOO IIN LEH BAAN AMAANAYEE, ABAAL DARANAA .

Waxaa kaloo dhaqamada dawladnimada ka aradan ka mid ahaa, quluubta dadkana quusta geliyay, khudbadaha hogaamiyaha maanta jooga oo aan ahayn kuwii hogaamiye mudakar ah laga fili karayay, inta badana ah, kuwo aad u hooseeya mustawe ahaan, in badan oo taageerayaashii xisbiga ahaana oo ka mid ahay rajo beel geliyay, khudbadahaas oo qaarkood aan anigu goob joog ka ahaa, waxaanan ka xusi karaa kuwan soo socda:-

1. Tii uu dadkii soo doortay ku lahaa fartiinaad eedi doontaan oo Gurigisa ahayd aniguna an fadhiiyay.
2. Tii uu ku lahaa dawladani waa Dawlad Huuno ah, oo Huuno u dhalatay marku xilka kala wareegayay Axmed Silaanyo oo anigu fadhiiyay xaflada xilwareejinta
3. Tii uu ku lahaa waxaan ahay Caaqil Beeleed
4. Tii uu ku lahaa Beeshii laga adkaaday iyo Beeshii guulaysatay.
5.sida loo soo xulay xubnihi Golaha dheexe Kulmiye laysagana Foogeyay Xisbiyahankii..
6. qaar kaloo badan halkan ku soo koobi karin

Dhamaanba arimahaasi waxay sabab u noqdeen hagaaska iyo lafjabka Xisbiga Kulmiye haleelay maanta, kaasoo saameyn tabana ku reebay himiladii aanu ka lahayn asaasitaankii Xisbigan Kulmiye , mana ahaa wax la aqbali karo in sidan Xisbiga lagu sii daawado, waxaan ka mid ahaa raggii horseedka u ahaa asaasitaankii iyo hanaqaadkii xisbiga Kulmiye, waxan ka mid ahaa Guddidi Guud Idacadi Horyaal.waxan ka mid ahaa Guddidi olalaha Gobolka Togdheer waliba raga ku suntan kenayna Codka Gobolka Togdheer waanay i damqaysaa inaan sii fiirsado xisbigii tacabka, maskaxda, muruqa, maalka iyo waqtigaba aan geliyay oo hortayda ku hoobanaya, damqashadan waxaa ila qaba in badan oo mulkiilayaashii xisbiga ah oo Bari iyo Galbeedba jooga.

Gunaanadkii, waxaa ii muuqata in la joogo waqtigii la badbaadin lahaa Xusbiga Kulmiye iyo dalkaba, waxaanan ugu baaqayaa in haldoorka Kulmiye ee aragtida fiyoobi ay arintaas iska arkaan, ka hawlgalaan, si loo qaato go’aamo istraatiijik ah, oo geesinimo iyo wadaniyad leh, oo lagu badbaadinayo Xisbiga Kulmiye, laguna soo celinayo sharaftii, karaamadii iyo mustawihii sare ee xisbiga Kulmiye lahaan jiray.

Wa Bilaahi Towfiiq

Qalinkii xubin ka mida Guddidi Olalaha Xisbiga Kulmiye G Togdheer dorashadi Madaxtooyada .
Mubaarik Yuusuf Bidhi,
UK.