“Ninkii wax isla hayaa banaanka ha u soo baxo” – Guddoomiye Cirro oo ka hadlay Furista Ururada & Doorashada madaxtooyada

Hargeysa (SM)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa ka hadlay furista ururrada Siyaasadda, Doorashada Golaha Guurtida iyo Doorashada Madaxtooyada oo ku muddaysan badhtamaha bisha November 2022-ka.

Guddoomiye Cirro oo hadal ka jeediyey munaasibad Hargeysa loogu qabtay Qurbejoogga Xisbiga eek u sugan dalka, waxa uu ku faanay natiijadii Xisbiga Waddani uga baxday Doorashooyinkii Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada oo uu sheegay in Xisbigiisu ku guulaystay, sidaas awgeedna uu diyaar u yahay inuu ku loolamo doorashooyinka soo socda iyo furista ururrada siyaasaddaba.