Wasiirka Waxbarashada oo Hadhimo-sharafeed ah ku maamuusay xildhibaannada Cusub ee Golaha Wakiillada

Hargeysa (SM)- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa maanta Hadhimo-sharafeed ah ku maamuusay xildhibaannada Cusub ee Golaha Wakiillada uga soo baxay Xisbiga Kulmiye iyo garab ka tirsan Xisbiga UCID.

Kulanka oo ku qabsoomay Hotel Guuleed ee magaalada Hargeysa, waxa ka soo qayb-galay hoggaanka sare ee Xisbiga Kulmiye, masuuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo Xildhibaannada la maamuusay.

Ujeeddada hadhimo-sharafeedka ayaa ah sidii loo sii xoojin lahaa Isbahaysiga loolanka shir-guddoonka ee ay samaysteen Xisbiga Kulmiye iyo garab ka mid ah Xisbiga UCID.