Hambalyada Jimciyatul Axbaab ee Sanadka Cusub ee Islaamka 1443

Haayada Khayriga ah ee Jimciyatul Axbaab Oo Muslimiinta Caalamka Ku Hambalyeysay Curashada Sanadka Cusub ee Islaamka 1443

Kullu Caam Wa Antum Bikhayr

 

Jimciyada horumarinta bulshada ee dhinacyada Waxbarashada Diinta iyo Maadiga ah, Caafimaadka iyo Qaban-qaabinta Xafladaha iyo Xusaska Diiniga Ah (Jimciyatul Axbaab) waxa ay Munaasibadda curashada sannadka cusub ee Islaamka 1443-ka (Hijiriyada) awgii uu Hambalyo, Bogaadin iyo ducoba u diraysaa guud ahaanba shucuubta islaamka gaar ahaan Shacbiga Somaliland Meel ay Joogaanba.

Sidoo kalena Jimciyatul Axbaab waxa ay Hambalyo taa la mida u diraysaa Waddammada iyo shucuubta muslimiinta ah ee dacallada dunida ku nool, iyagoo ku tahniyadaynaya curashada sannadka cusub ee Islaamka oo ku beegan berri oo Isniin ah.

Jimciyatul Axbaab waxa ay Illaahay uga baryaysaa inuu shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo shucuubta islaamka guud ahaanba sannadkan Sannadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash, baadhaadhe iyo barwaaqo, inta buktana uu ka dulqaado xannuunka, inta caafimaad qabtana uu u siyaadiyo, intii dhimatayna uu naxariistii janno ka waraabiyo.

Ugu dambayna Jimciyatul Axbaab waxa ay Shucuubta Islaamka u rajaynayaa in Sannadka cusubi ula kowsada nabadgelyo iyo xasillooni buuxda.

Kullu Caam Wa Antum Bikhayr

 

 

Xafiiska Warbaahinta Jimciyatul Axbaab

Hargeysa/Somaliland