Kulan Xaasaasiya Oo Dhexmaray Siyaasiga Rug-caddaadiga Ah Ee Cabdilaahi Koongo Iyo Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Dr Cirro.

Kulan Xaasaasiya Oo Dhexmaray Siyaasiga Rug-caddaadiga Ah Ee Cabdilaahi Koongo Iyo Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Dr Cirro.

Shariqa  :Magaaladda Sharija Ee Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, Ayaa Waxa Kulan Xaasaasiya Ku Yeeshay Siyaasiga

 Rug-caddaadiga Ah Ee Cabdilaahi Koongo Iyo Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) Oo Safar Shaqo u jooga Dalka Imaaraadka Carabta.
Kulankan Ay Yeesheen Guddoomiye Dr Cabdiraxmaan Cirro Iyo Siyaasiga Miisaanka Culus Ku Leh Guud Ahaanba Dhulka Soomaalida, Gaar Ahaan JSL Dr Cabdilaahi Koongo Oo Ay Guddoomiye Cirro Isku Deegaan Kasoo Wadda Jeeddaan, Ayaa Sidda Ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Tifaftiraha Guud Ee Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Mr Khaddar Ali Khum diiradda Lagu Saaray Xaaladdaha Kala Duwan Ee Xiligan Ka jira JSL, Gaar Ahaan Dhanka Siyaasadda. Iyadoo Kulankan oo Dhacay Shalay Si Weyn La Isku La jeex-jeexay Siddii Uu Siyaasi Cabdilaahi Koongo taageero laxaad Leh Ula Garab istaagi Lahaa Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Ah-na Musharaxa Jagadda Madaxweynaha Ee Xisbiga WADDANI Marka La gaadho Doorashadda Madaxtooyadda Ee La Filayo Inay Somaliland Ka Dhacdo dabayaaqadda Sannadka dambe Ee 2022-ka Hadduu Alle yidhaahdo.
Geesta kale dalabka Guddoomiye Cirro Ee ah Inuu taageero Siyaasi Cabdilaahi Koongo, Ayaa dhankiisa ilahani xaqiijiyeen Inuu aqbalay dhisidda Iyo taageerista Guddoomiye Cirro. Marka La gaadho Wakhtiga Doorashadda Madaxtooyadda Ee Somaliland.
Dhanka kale Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Ah-na Musharaxa Jagadda Madaxweynaha Ee Xisbiga Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo maalmihii la Soo Dhaafay Ku Sugnaa Dalka Imaaraadka Carabta, Ayaa dhaqdhaqaaqyo Siyaasaddeed ka Wadda. Isagoo kulanno Kala Duwan Oo Isugu Jira Qaar Siyaasaddeed Iyo Kuwa Dublamaasiyaddeed Ku Yeeshay Dalkaas. Isagoo Dubai kulan Mihiim Ah Kula Yeeshay Jimcihii Madaxweynihii Hore Ee JSL Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Iyo Qoyskiisa Iyo waliba Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-maddow.
Source Qumannews.