Dulmiga ka dhacay Laas Caanood waa mid aan loo dulqaadan karin.

Dulmiga ka dhacay Laas Caanood waa mid aan loo dulqaadan karin.

Magaalada Laas Caanood ee Xarunta Gobolka Sool waxaa ka Dhacay arin aad ugu xun diinteena Islaamka ah, dhaqanka suuban, iyo
Wada noolaanshaha aadamiga guud Ahaanba, waxaana si aad u fool xun Dulmi loogu geystay dad Muslim ah, Somali ah, qaxooti ah, magan ah, Maato ah, arintani waa arin ceeb ku Ah umada degta Somalinad guud Ahaanba, waa wax ku xun dawlad Nimada, waa wax ku xun deris Nimada waana arin saamayn weyn Ku yeelan doonta dadka oo dhan.
Waayo waa dulmi dulmiga ciqaabtii Suna kuma koob naato cida gashay Oo keliya ee way saamaysaa umada
Meel wada degan ilaahay ayaana Qu’aanka kariimka ah inoogu Sheegay.

Waxaa si aan kala sooc lahayn raaf Loogu sameeyey umad nabad isaga Degan oo aan ilaa hada wax lagu Galay laynoo sheegin.
Hadii Laas Caanood la rabay in lasoo
Qabto cidii umada ku gumaaday
Mawaxay noqotay iyaga, hadiiba ay Dhacday may naan maqal meel laga Ga cadeeyay iyo Maxkamad ku Xukuntay toona,
Haday xataa jiri lahayd inay denbi Gaas wax ku leeyihiin, maaha in loo Geysto ciqaab wadareed oo caruur Iyo maato laga barakiciyo baradii ay Ku dhasheen, oo ay waalidkood joo Geen mudada dheer.

Waxaa muuqata in fashilkii karaacay
Xukuumada ee ahaa inay ilaaliso Dadkeeda reer Laas Caanood ay ku Soo ururisay masaakiinta aan wax Ay sameeyeen laynoo sheegin.
Waxaan jira dad maangaab ah oo
Arintan ka eegaya xaga xinka Somaliya oo leh waa baga waa sax
Kuwaa waxaan odhan lahaa arinku
Sidaa maaha Somaliya ba waxaa Jooga dad aad ubadan oo ka soo Jeeda dhinaca Somalinad mana jirto
Wax dhibaato ah oo loo geystaa, Markaa yaan loo bahala gelin dadka Oo yaan umad masaakiin ah lagu Xad gudbin, iskadaa Somali ,e Waxaynu u qaxnay wadamo aynaan Wadaagin, diin, dhaqan, luuqad, iyo
Wax kale toona waana laynagu soo
Dhoweeyey, oo waynagaa ku faana
Hebel waa qurba joog.

Waxaan leeyahay dulmigaa yaan la dhayalsan, anigu madifaacayo qof Denbi leh, laakiin maba ogi cid denbi Lagu helay ilaa hada Laas Canood.
Waxaase kasoo horjeedaa raafka
Naxariis darada ah ee aan loo kala
Eegin yaa denbi leh iyo yaa bir Magaydo ah cid aniga igu meteshaa
Majirto arinkaa dawlad iyo shicib Toona ( NOT IN MY NAME)

Qalinkii

Iman M Ciise