Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Maxamuud Xaashi Ma U Tartami Karaa Guddoomayah Xisbig Waddani, Haddii uu ku Biiro Shirweynaha ka hor?

Maxamuud Xaashi Ma U Tartami Karaa Guddoomayah Xisbig Waddani, Haddii uu ku Biiro Shirweynaha ka hor?

Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeyo oo ka mid ah Madaxda Xisbiga Waddani kana tirsanaan jiray Golihii hore ee Wakiillada, ayaa sheegay in ay meel wanaagsan marayaan wada hadallada u furmay Xisbiga Waddani iyo Siyaasiyiinta uu hoggaaminayo Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi.

Waabeeye, waxa uu xusay in wada hadalladan oo dhawaan furmay ay jewi degan ku furmeen meel wacana marayaan “Wada hadalladaasi Siyaasiyiinta ka tirsan Xisbiga Kulmiye, way noo furmeen, waana mid bilow ah, mana doonayo in aan ka hor dhaco, laakiin waxa aan ku sheegayaa in jewi wanagsan, wada hadalkuna marka uu furmo wakhti ayuu qaadanayaa, waxaan u sheegayaa uun in uu jewi wanaagsan ku bilowday siina soconayo.” Ayuu Maxamed Xaaji Yusuf Waabeeye, oo u warramayey Telefishanka Sahan TV.

Maxamed Xaaji Yusuf Waabeeye, oo la weydiiyey in Maxamuud Xaashi oo ka mid noqon karo ragga Guddoomiyenimada Waddani u tartamaya, waxa uu ku jawaabay “Asxaabteenu waa dimuqraadi, Xisbiga Waddani waa mid dimuqraadi ah, ma jiro wax ka xadidaya qof kasta oo Xisbiga ka tirsan amma mid soo gala inuu u tartamo jagooyinka Xisbiga oo ka guddoomiyuhu ka mid yahay.”