Madaxweyne Muuse Biixi oo Wacad ku Maray in la furi doono Ururrada Siyaasadda dalkuna aanu madaxweyneyaal yeelan doonin

Hargeysa (SM)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa jawaab ka bixiyey hadal toddobaadkii hore ka soo yeedhay murashaxa madaxweynaha ee Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo sheegay in dalku madaxweyneyaal badan yeelan doono haddii aanu Md Muuse Biixi doorashada madaxtooyada wakhtigeeda ku qaban.

Madaxweyne Muuse Biixi oo maanta ka hadlayey munaasibad uu xadhigga kaga jaray Xarun loogu talo-galay Maareynta Biyaha dhulka hoostiisa ku jira oo laga hirgeliyey Hargeysa, waxa uu sheegay inay shacabka Somaliland yihiin waayo-arag ka koray hanjabaadda iyo rabitaanka shaqsiga ku dhisan ee siyaasiyiintu ku doonayaan inay ku fuulaan kursiga dalka, isla markaana suurta-gal ahayn in dalku madaxweyneyaal Badan yeesho.