Guddoomiyaha Ururka Warbaahinta Online-ka Somaliland Ee Somaliland Online Media Association (SOMA) Mustafe Abdi Maxamed (Mustafe-Janaale) oo kulankaasi ka hadlay, ayaa Wasiirka uga mahad-celiyay kulankan iyo sida uu u fahamsan yahay hawsha culus ee ay qaranka u hayso warbaahinta Online-ka ahi.
Guddoomiye Mustafe-Janaale waxa uu wasiirka uga xog-waramay heerarka uu Soo maray dhismaha Ururka SOMA iyo sida uu u nidaamsan-yahay,kaas oo uu sheegay inuu metelayo guud ahaan Warbaahinta Online-ka qeybaheeda kala duwan, oo uu ka shaqeyn doono isku xidhkooda, horu-marintooda,kobcinta, aqoontooda iyo u doodista xuquuqdooda.
Geesta kale, Masuuliyiinta kale ee Ururka SOMA ee kulankaasi ka hadlay ayaa ballan-qaaday xoojinta dhankooda ee wada-shaqeynta Waaarada iyo qaranka ee ay horeba u hayeen, iyaga oo xusay inay doorkooda ka qaadan doonaan Xeerka Anshaxa baraha Bulshada ee ay Wasaarada isgaadhsiintu waddo.
Kullankan oo noqonayaa kii ugu horreeyey ee Hoggaanka Ururka SOMA uu la yeesho Wasiirka Wasaarada isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyada Somaliland Cabdi-weli Sheekh Cabdilaahi Suufi Jibriil,waxaanu kulankaasi ku dhammaaday is-faham.