DEG-DEG waxa goor dhawayd lagu diley Magaalada Hargaysa gaar ahaan Xaafadda guryaha Shaqaalaha ee

DEG-DEG waxa goor dhawayd lagu diley Magaalada Hargaysa gaar ahaan Xaafadda guryaha Shaqaalaha ee ka ag dhaw cisbitaalka weyn, Ruux gabadh ah taas Oo sida ay noo sheegeen goob-joogayaali uu diley nin ka tirsan Ciidamada Maxkamadda Qaranka, waxaana uu u adeegsaday dilka gabadhaasi qori.

Kadib markii uu dilka gaystay ayaa uu isku dayey in uu baxsado balse Ciidanka Deb-demiska ayaa Soo qabtay ninkaasi.

Dilkan ayaa dhacay Xilli ay gabadhu ku jirtay gudaha gaadhi ay wadatay.
Gabadha oo ah xaafadda Qudhac-dheer ayaa Soo bookhatay Xiliga dilka loo gaystay guri ay degenayd habar-yarteed.

Wixii War Ka Soo Kordha Halkan Kala Soco