Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kormeer Shaqo Ku Tegay Xarunta Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kormeer Shaqo Ku Tegay Xarunta Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta.

Hargeysa-04-06-2022-(SM)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeer shaqo kusoo maray xarunta wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyeyaal ciidan iyo xubno kale oo xukuumadda katirsan, ayaa soo indho indheeyey xarunta wasaaradda, waxana halkaas kusoo dhaweeyey masuuliyiinta wasaaradda Diinta iyo Awqaafta oo uu hogaaminayo wasiirka wasaaraddaas, Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani).

Madaxweynaha, ayaa kormeeray xafiisyada kala duwan ee ay wasaaraddu ka kooban tahay oo shaqo maalmeedka caadiga ahi ka socotay, waxana uu warbixinno ka dhegaystay masuuliyiinta wasaaradda, kuwaas oo uu ku bogaadiyey hannaanka ay shaqadooda qaran u gudanayaan.

WA-BILAAHI TAWFIIQ