Xaaladda Maanta iyo Hayigeenna Somaliland (Janbayn Qaflah)

Xaaladda Maanta iyo Hayigeenna Somaliland (Janbayn Qaflah)


Maanta waxaa ka furan Somaliland Muran aan loo baahnayn inuu dhaco, Kuna saabsan waxyaabo faro badan:
a) Muran Siyaasadeed oo dawladdu samaysay kuna saabsan doorashadii madaxwaynaha oo dawladdu sida ku cad distoorka qaranka rabto inay baalmarto, wax qorshe cad oo hoggaamin ahna aanay keenin. Murankaa dawladda abuurayso waxay uga gol leedahay inay loo kordhiyo waqtiga, taas oo ay:
1) Magacaabis guddi aan kalsooni ka haysan mucaaridka oo ama Xisbiga ka tirsan ama dawladda u shaqeeya.
2) Ururo siyaasadeed oo ay leedahay doorashada November ha ka qaybgalaan iyada oo dadafaynaysa Xisbiyada Mucaaridka ah ee liisankoodi haysta sharcina u leh doorashadaa.
b) Xaaladda maciishadeed oo aad u adkaatay dawladduna wax qorshe ah aanay la iman sidii looga bixi lahaa, qorshahaasi hadduu noqdo mid dalka gudihiisa ah ama dibaddiisaba.. Sida tamarta (Petrolka & Naaftada) qiimaheedu sare u kacay.
c) Golayaashii dalka gaar ahaan
1) Golihii guurtida oo fadhiid noqday, una jooga kaliya inuu u nacamleeyo hadba dawladda joogta, waxaanu golaahaasi ku fashilmay inay wax ka qabtaan muranada yaalla dalka.. Marka laga reebo Ilaahay hawnaxariisto Cabdi Waraabe oo ahaa Dab damis wax ka qabta hadba halka ay wax ka yimaadaane.
2) Golihii Parliamentka oo ku fashilmay iyaga oo mucaaridku u badan yihiin inay jiheeyaan muranka siyaasadeed ee dawladdu jihayn la’adahay inay la xisaabtamaan.
3) Golihii caddaalada (Maxkamadaha Qaranka) oo noqday adeegsi dawladdu adeegsato oo madaxbanaanidiisi lumiyay, iyada oo loo adeegsanayo siyaasiyiintii qaranka.
d) Booliskii qaranka oo lumiyay kalsoonida dadwaynaha oo u dhaqmaya sidii askartii hangashta ahayd ee faqashtii oo weliba ku darsaday dafiraad iyo dhaqan xumo kale oo inay dumarka wadada gacan ula tagaan, Wasiirkii arrimaha gudaha oo SNM sheeganayaana odhanayo wax rasaas ah oo boolisku riday ma jiraan. Somaliland Foolxumadeeda waxaa kuugu filan ninkaaas arrimaha gudaha haysta isaga oo ku fashilmay dhawr jeer nabadgalyada dalka oo dagaallo sokeeye ka dhaceen waxna ka qaban waayay, damiirkiisuna muu siin inuu is casilo iyada oo madaxwaynahuna ku fashilmay inuu tallaabo ka qaado raallina kaga yahay una dhawranaayo cod ayu uku siin doonaa burrito..!! .. Gaaladuna xataa damiirkoodu ma siiyo ee way casili lahaayeeb kaas oo kale beri hore.

GUUBAABO:
Waxaa muuqata in sida uu wax ku maamulayo Muuse Biixi aanu waxba ka bedelin in dalku isi soo xidhayo .. (Dubnadda marka dhan walba laga xidho waxa la yidhaah Jenbayn Qaflah).
SNM sheegatadan waxaan filaayay (Kollayba geesiyadeedi waynaga hooseeyaan ilaahay haw naxariistee) inay dalka xoraysay .. laakiin inay xoraysteen Somaliland ayaa muuqata hab dhaqankooda.
Waxaa hubaal in dad badan oo aan ka mid ahay dadkoodiina ay ku dhinteen dagaaladii ama madaafiicdii lala dhacayay maatada inay maanta uuga xuntahay shalay markii ay eheladaasi kaga dhinteen sababtuna ay ahayd Rajo is beddel baa la filaayey, ifofaaladeediina ma hayno.
Ilaahaw inoo Sahal Naxariista Alle lagama quustee.
Qore:
Said Mohamed 29/06/2022