Guddoomiyihii Guddida Guud Ee Beel-weynta Ismaaciil Sh Isaxaaq (GAR-XAJIS) Suldaan

Hargeysa (SM)- Guddoomiyihii Guddida Guud Ee Beel-weynta Ismaaciil Sh Isaxaaq (GAR-XAJIS) Suldaan

 Axmed Cismaan Cadde-gudde, Ayaa Hadda Lagu Xidhay Magaaladda Hargeysa.
Guddoomiye Suldaan Axmed Cismaan Cadde-gudde, Ayaa Mar Dhowayd sidda La Sheegay Ay Gurigiisa Magaaladda Hargeysa Uu Ka Deggan Yahay Kasoo Qabteen Ciidanka Booliska Ee Caasimadda Dalka Ee Hargeysa.
Ma Cadda Sababta Dhabta Ah Ee Ka Dambaysa Xadhiga Suldaan Axmed Cismaan Cadde-gudde, Balse Waa Talaabo Aad Loo La Yaabay In Si Badheedh ah Loo Xidho Guddoomiyihii Guddida Guud Ee Beel-weynta Ismaaciil Sh Isaxaaq (GAR-XAJIS) Suldaan Axmed Cismaan Cadde-gudde Oo Ka Mid Ah Madax-da Dhaqanka Ee Dalka Kuwa Ugu Saameynta Iyo Magac Weyn.
Guddoomiyaha Guddida Guud Ee Beel-weynta Ismaaciil Sh Isaxaaq (GAR-XAJIS) Suldaan Axmed Cismaan Cadde-gudde, Ayaa Shakhsiyan Ka Mid Ah Madax-dhaqmeedka Sidda Weyn U Taageersan Muddaharaad-yadda Salmiga Ah Ee Ay Xisbiyadda Mucaaridka Ah Ee WADDANI Iyo UCID Dalka Ka Waddaan. Isagoo Si Gaar Ah Uga Qaybgalay 11/08/2022 Muddaharaad-yaddii Salmiga Ahaa Ee Dalka Ka Dhacay.