Faallo Somaliland iyo maanta

Faallo Somaliland iyo maanta

Waxaa shalay mudnaan mudan golaha baarlamanka oo hawshoodu
golaha baarlamanka shalay si xilkasnimo leh iyadoo madaxwaynihii
dalku jihayn kari waayay hawlaha qaranka u yaalla.
Adduunka waxaa kooramka lagu buuxiya shirka furistiisa inay kala
badh iyo hal dheeri joogto, markaa shirku ansaxo looma joojiyo
haddii ay cidi ka baxdo shirka waxaa lagu go’aan qaataa inta markaa
fadhida.
Waxaa ayaan darro ah in qaar ku magacaaban baarlaman ay
baarlamanka hortiisa ay diidanaayeen sida ay shirku uga qabsoomay
baarlamanka, iyaga oo aan wax xal ah ama aragti ka keenin
mooshinnada la ansixiyey, Madax wayne Muse Biixi ayaa ku
ammaanay guddoomiyaha markuu cerigaabo joogay sida uu xilkas
iyo dhexdhexaadba u yahay.
Baarlamanku tallaabo hor leh ayuu sameeyay, waxaana tallaabada
oo kale laga rabaa golaha guurtida:
1) Inay socodsiiyaan mooshinnadaas, oo golaha guurtiduna
isdhaafiyaan si loo ansixiyo.
2) In ay madax waynaha la xisaabtamaan xil gudasho la’aan haddii
in uu ansixiyo horjoogsado laguna qaado danbi kale oo ah hawl
qaran oo uu is hortaagay oo ay u dheertahay tii koomishankii
hore ku kala diray carqaladdan ku sameeyay. Markaa waa in
golayaashu aanay marnaba abaal marin loo siin muddo kordhin.
3) Inay xukuumaddu joojiso faro gelinta ay ku hayso koomishanka
qaranka kala baxdo.
Qore: Said Mohamed 20th September 2022
sayidmaxamed2022@gmail.com