“Mar Haddii Xukuumaddu Diidday Soo jeedinta Ganacsatada ee… ~ Mucaaradka Somaliland oo Hanjabay

Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ayaa ku gooddiyey inaan Dalka laga Qaban-karin Doorashooyin aan Heshiis lagu ahayn.

Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa ku hanjabay inaanay mucaarad ahaan Oggolaan Doonin Dib u dhac ku yimaadda Doorashada Madaxtooyada.

Waxa uu Sheegay inaanu jirin Xeer Diyaar ah oo Jidaynaya Qabashada Doorashada Tooska ah ee Ururrada Siyaasadda.