Warshada Sibidhka Berbera oo la shaaciyey xiliga rasmiga ah ee la bilaabayo.

Africa Warshad Sibidh tii ugu Wayneed Somaliland #Read_Sea_Cement_Factory

Shirkadda R.S.C.F Group waa Shirkad ay ku bahoobeen shirkadaha dalka iyo hantiileyda, wejiga 1aad ee warshadda Sibidhka berbera. Warshadu waxay qaadan doontaa ilaa 18 bilood in lagu dhiso iyada oo la diyaariyay dhaman qorshayaashi oo dhan, Warshadu waxay soo saari doonta 700,000tpa oo sibidhka. Mashruuca warshadda oo dhan waxa uu qaadan doonaa saddex sano in la dhammaystiro, warshadu iyadoo ay soo saari doonto 3,000tpd oo clinker ah.

Qiyaastii 2,300 oo qof oo reer Somaliland ah ayaa la filayaa inay si toos ah uga faa’iidaysan doonaan mashruucan wuxu noqonaya shaqo abuur ugu wayna sido kale 1,200+ oo kale oo muwaadiniin ah oo si dadban uga faa’iidaysan doona.

Waxa cajiib ah Warshadan oo dulsaaran marka la eego dhawaanshaha dekedda Berbera ayaa loo arkaa furaha dhoofinta sibidhka oo hoos u dhigi doona qiimaha maraakiibta Berbera mar haddii ay shirkadaha xamuulka ahi heli doonaan badeecado kala duwan oo sibidh ah oo ay dibadda u dhoofiyaan.

Shacabka somaliland aya heli doona sibidh jaban, Waxay qayb wayn ka qaadan doonta dib u dhiska dalka.
• Wadamada Geeska Africa iyo wadamada qaaradaha kale ee aadka u horumar balse baahi wayn u qaba sibidh aya heli doona fursado waawayn sibidh tayo sare leh iyo waxsoosar kala duwan oo ay warshadu soo saari doonto, iyo noocyada sibidhka kala ah: Ordinary Portland Cement (OPC), Portland Pozzolana Cement (PPC) iyo sibidhka caadiga ah ee Portland lime cement (PLC) iyo sibidhka adkaysiga badan leh sida :
• Rapid Hardening Cement.
• Extra Rapid Hardening Cement.
• Low Heat Cement
• Sulfates Resisting Cement.
• Quick Setting Cement.
• Blast Furnace Slag Cement.
• High Alumina Cement.
• White Cement.
• The Bottom Line.
Fursadani waa tii ugu wayneed ee laga hirgaliyo Somaliland baahida sibidhka caalamka wuxu kaga jira kaalinta labaad ee marka laga imaado Shiidaalka.

Guul Shacabka Somaliland